Xiisad Ka Taagan Natiijada Doorashadii Madaxweynaha Dalka Congo

Maxkamada Dastuurka ee dalka DRC ayaa maalinimadii Axada ku dhawaaqday in guusha doorashada Madaxweynaha ay raacday hogaamiyaha xisbiga ugu weyn Mucaaridka  Felix Tshisekedi oo ay horey guddiga doorashada u sheegeen inuu ku guuleystay codbixintii dalkaasi ka dhacday.

Hase yeeshee waxaa natiijadan weli diidan murashaxa kaalinta labaad galay oo lagu magacaabo Martin Fayulu oo sheegay inuu isagu yahay Madaxweynaha “Xalaasha” ee dalkaasi.

Taageerayaasha Martin Fayulu ayaa ku doodaya in Xukuumada xilka ka dageysa ee Joseph Kabila ay heshiis qarsoodi ah la gashay Felix Tshisekedi kadib markii uu guuldareystay murashaxii xukuumada wadatay, isla markaasi heshiiskaasi dhexmaray xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka iyo  Kabila keentay in natiijada loo musuq maasuqo Mr.Tshisekedi, wuxuuna Fayulu ugu baaqay taageerayaashiisa inay bilaabaan banaanbaxyo.

Maxkamada ayaa diiday codsigii Martin Fayulu oo ahaa in dib loo tiriyo dhamaan cododka codbixintii dhacday 30kii bishii December.

Guddiga doorashada ayaa Natiijada ay ku dhawaaqeen ku sheegay in Tshisekedi uu helay 38% cododka halka Martin Fayulu uu helay 34%, balse xog lagu baahiyey warbaahinta dalkaasi oo laga soo xigtay xubno kamid ah Guddiga doorashada ayaa sheegaya in markii ay tirinta cododka mareysay 86% uu cododka ku horeeyey Fayula oo heystay 59%, halka ninka hada guuleystay uu heystay 19%, arrintaasi oo shaki weyn keentay in ay dhacday wax isdaba marin ka timid dhinaca dowlada.

Xukuumada Kabila oo dalkaasi kasoo talineysay tan iyo 2001kii ayaa horey dib ugu dhigtay labo goor doorashadan oo la qorsheeyey inay markii hore dhacdo sanadkii 2016.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker