Wariye Cabdi Maalik Sh Muuse Coldoon Oo Lagu Wareejiyay Militariga Ethiopia.

Gaashaamo-(OWN)_Coldoon & Rag kale oo Suxufiyiin la socday lagu xidhay Magaalada Gaashaamo, ayaa wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Wariyaha lagu wareejiyay Ciidanka federalka Itoobiya.

Axmed Warsame oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Gaashaamo ayaa Universaltv u sheegay inuu booqday shalay galab Wariye Coldoon iyo dhalinyarada kale ee saddexda ah la xidhan, kuwaasi oo lagu haayo Xerada Militariga Itoobiya ee Gobolka Jarar.

Axmed Warsame ayaa sidoo kale ka sheekeeyay xilliga wariyaha la xidhaayay & waxyaabaha uu ku hawlanaa.

“Cabdi Maalik isaga oo Wareysi qaadaya oo dadka wareysanaya waliba Odayaasha oo taariiqda Gaashaama & xaaladaheeda ka wareysanaya ayaa waxaa u yimid ciidanka Liyuu Boolis, kadibna waxa ay u sheegeen inuu joojiyo hawsha uu wado oo uu xidhan yahay isaga iyo ragga kale ee la socday dabadeedna waxaa la saaray gaadhi oo waliba isaga shirka hore ayaa la saaray, ragga kalena waxaa la saaray dusha gaadhiga.” Ayuu yidhi Axmed Warsame.

Wariye Coldoon oo ah Suxufi ka shaqeeya dhanka arrimaha Bulshada & soo bandhigida tacadiyada Maamulada ay gaystaan, ayaanan illaa hadda xarigisa waxaanan ka hadlin masuuliyiinta Maamulka Somalida.

Kadib markii Maalintii Jimcihii aan soo dhaafnay wariye Cabdi Maalik.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker