Sagootinta Gen. Fadal. By Amir Bidde

Waxa la og yahay in taliye Fadal uu yahay nin adag oo shaqadiisa yaqaan, oo ciidanka booliiskuna aad u jecel yihiin. Waxa lagu tilmaamaa inuu yahay nin daacad ah oo askari dhab ah. Waxa lagu majiirtaa habka geesinimada iyo saadaalinta leh ee uu nabadda u sugay waqtiyo siyaasadda dalku qasnayd; sidii waqtiyadii doorashada oo kale. Waxa ninkan lagu labeeyaa janaraal Xasan Yoonis Allah ha u naxariistee oo isagu ciidanka qaranka (milateriga) ahaa oo mar kasta oo xaaladda dalku qasanto ciidanka qaranka loo dhiibi jiray, kadibna dejin jiray oo sugi jiray ammaanka dalka.
Haddaba waxa  siyaabo kala duwan u muuqda in olole dhan ka ah janaraalka lagu qaaday usbuucydan u dambeeyey. Oo abwaano, suxufiiyiin iyo siyaasiin muxaafid ah ay si cad u durayaan hoggaamintiisa ciidanka. Waxa intaa dheer in siyaasi ka mid ah xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, hayb ahaana ka mida jufada hoose ee madaxwaynaha uu si cad oo ceebayn ah u weeraray taliyaha bilayska. Siyaasigan oo la yidhaa Cali guray waxaan filayaa in laga dambeeyo ceebayntiisan gayaxan. Waayo maaha sunnaha siyaasadda in nin aan siyaasi ahayn oo shaqaale dawladeed ah in siyaasiintu weeraraan. Sida caadiga ah waxa la abbaaraa wasiirkiisa oo ah ninka siyaasad ahaan uga masuula. Weerarkan tooska ee meel ka dhaca ku ah siyaasadda iyo ciidanka booliskaba waxa looga dan leeyahay oo la rabaa in janaraalka loo sameeyo ceebo oo la duro hoggaamintiisa si jagada looga qaado.
Hadallo xog ah oo ka soo baxaya siyaasiintii la socday odayadii Garxajis ee  madaxwaynuhu martiqaadka u sameeyey ayaa tibaaxaya inay codsadeen in taliska booliiska gacanta Garxajis lagu soo celiyo, madaxwaynuhuna ma siin  war cad oo wuu ka aamusay. Hase yeeshee arrimahan ceebaynta ah hadduu madaxwaynuhu lug ku leeyahay waa marmarsiiyo iyo hab xeeladaysan oo foolxun oo uu rabo inuu ku fuliyo codsigii odayaasha.
Bal aynu dhowrno waayaha!
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker