Maxkamadda Dastuuriga Ah Ee Congo Oo Taageertay Natiijadii Doorashada Dalkaasi.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa ku gacan seydhtay dacwad ka dhan ahayd natiijada doorashada madaxtinimada ee dhawaan dalkaasi ka dhacday.

Martin Fayulu oo ah musharax mucaarad ah oo dacwaddaasi geeyay maxkamadda isla markaana ku doodayay in wax-is-dabamarin badan ay hadheysay doorashada ayaa go’aanka maxkamadda ka dib sheegay in isagu uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalkaasi.

La yaab ma laha in maxkamaxadda dastuuriga ay go’aamiso in aysan jirin caddeyn ku filan oo qiil looga dhigi karo in codadka dib loo tiriyo sidii uu codsaday Martin Fayulu.

Waxa uu ku andacooday in si wayn uu ugu guulaystay doorashada taasi oo ku salaysan macluumad aan la xaqiijin oo la soo dusiyay oo ka yimid guddiga doorashada iyo korjoogayaasha.

Felix Tshiskedi oo lagu wado in loo dhaariyo xilka madaxwaynaha ayaa isna ka socday mucaaradka,balse dadka ka soo horjeeda waxa ay ku doodayaan in uu heshiis hoose la galay madaxwaynaha xilka ka sii dagaya Joseph Kabila.

Martin Fayulu ayaa isaga markiiba ku gacan seydhay go’aanka maxkamadda Datuuriga.

Midowga Afrika ayaa dhawaan ku biiray wadamada galbeedka Afrika oo sheegay in shaki badan uu ku jiray codbixinta waxayna ku baaqeen in la hakiyo natiijada kama dambaysta ah.

Ergo madaxwaynayaasha qaar ka mid ah dalalka afrika ayaa isniinta lagu wadaa in ay gaaraan caasimada Kinshasa si ay u xaliyaan ismariwaaga, balse maadaama go’aanka maxkamada uu yahay mid aan la laali Karin ma cadda guulaha ay gaari karaaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker