Masuuliyiin sare oo ka socda Baanka Aduunka oo kulan bogaadin iyo bilowga qorshaha sannadka cusub ah ku soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Kadib markii u soo dhammaaday hawl-qabadkii Sannadkii 2018 ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladdu waxaa kulan bogaadin iyo diyaar-garowga Sannadka cusub ah u soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda madax ka socota Baanka aduunka kuwaas oo bogaadiyey in shaqaalaha Dawladda JSL yeesheen xog sugan oo qof walba oo shaqaale ah laga hayo bu’da isha iyo farta qofka , sida oo kalena la diyaariyey dhammaan siyaasadaha iyo hageyaasha muhiimka u ah; kobcinta shaqaalaha, qeexida waajibaadka shaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Dawladda iyada oo dhanka kalena la qaybiyey badi aqoonsigii Shaqaalaha Dawladda.

-Sida oo kale intii lagu gudo jiray sannadkii 2018 ayaa Machadka Shaqaalaha Dawladda CSI lagu qalabeeyey qalabkii ugu badnaa si loogu diyaariyo in uu bixiyo tababaro tiro badan oo Shaqaalaha Dawladdu heli doonnaan sannadkan 2019

-Masuuliyiintan ka socday Baanka Aduunka ayaa Dawladda Somaliland ku bogaadiyey in diiwaanka mushahar bixinta qaranku “National Payroll sheet” uu noqday mid nadiif ah oo laga saaray dhamaan wixii shaki iyo ma shaqayste ku jiray iyaga oo dhanka kalena bogaadiyey nidaamka hufan ee Somaliland u qaaday dhanka xulashada kaalmahii ku banaanaday hawl-qabadkii tirinta Shaqaalaha Dawladda

-Intii kulanku socday waxaa si hordhac ah la iskula sii eegay hawl-qabad culus ee sannadkan 2019 Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu bilaabi doonto si kor loogu qaado Shaqaalaha Dawladda maadama xogtii loo baahnaa si saxar tiran u soo xarootay.

-Sannadkan 2019 ayaa Insha Allah noqon doonna mid wax badan laga bedelo; nidaamka shaqada, hannaanka shaqaalaha, hufnaanta adeega iyada oo dhanka kalena la dhaqan gelin doonno siyaasadaha Shaqaalaha Dawladda oo wax badan ka tari doonna; waajibaadka shaqaalaha iyo kor u qaadida xuquuqdooda kadib marka ay ansixyaan Golaha Wasiiradda JSL

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Image may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 1 person, suitImage may contain: 5 people, people sitting and indoor

Image may contain: 5 people, including Sharmake Geelle, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, including Sharmake Geelle, people sitting

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker