Ismaan-dhaafka Dhexyaal Puntland iyo Somaliland

Maalin dhowayd ayaa waxa aan dhegaystay waraysi Idaacadd BBc-du la yeelatay madaxwenaha cusub
ee Puntland, – Mr Deni – oo su’aalihii la weydiiyey mid ka mid ahi aan aad ugu dhego-raariciyey.
Madaxweynahu Deni isagoo ka fal-celinaya su’aal ahayd in Somaliland sheeganayso xuduudii Ingiriisku
dhigay, wuxy yidhi, “ Hadday iyagu noqdeen Ingiriis, hadda annagu Talyaani ma nihin”. Wuxu intaa ku
daray, markii Somalia burburtay in reer waliba halkuu joogay maamul iyo nabad ku alkumay.

Weedhaasi waxay dib ii xasuusisay hadal uu 2012kii wasiiirkii warfaafinta ee Puntalnd , Axmed Cali
Askar, isagoo la hadlaya Somaliland, uu ku yidhi, “War dhulka intii Ilaahay qayb idiin siiyey ha idin
deeqdo”. Askar iyo Deni erayadoodu isku meel bay u dhacayaan. Dhulka waa la kala leeyahy!

Ereyadaas kuwo u dhigma, ayaa had iyo goor laga maqlaa afhayeenada Somaliland sida: xadkaa la
tegayaa. Waa fekerka dhaliyey dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dagaaladii deegaanka
Tukaraq horaamihii sannadkii 2018ka iyo kuwii ka dhacay Buuhoodle sannadkii 2012. Ilaa hadda xad
la soo taabtayna ma jiro. Xadku fogaa ma mid aan la gaadhin baa!

Is-maandhaafka dhexyaal Puntlad iyo Somaliland wuxu salka ku hayaa labada fekradood ee lagu kala
asaasay labada maamul: abtirsiinyo raac iyo xuduud isticmaar raac. Somaliland waxa intaas u dheer
rabitaankooda gooni-isu-taagga, macnaheedu yahay waanu ka baxnay Jamhuuriyaddii Somaliyeed ee
dhalatay 1dii July 1960.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker