Dowladda Hoose Ee Hargaysa Oo Saaka Burburisay Xarumo Ganacsi.

Hargaysa-(OWN)-Dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa saaka burburisay ganacsiyada yaryar ee waddada hareeraheeda ee suuqa, waa goob ku taalo badhtamaha magaalada.

Maamulka magaalada waxaa uu sheegayaa inay sidan u sameeyeen si ay waddada u baneeyaan, laakin arrintaas waxaa dood ka keenay ganacsatada.

Dadka halkan ku ganacsada oo u badan danyar ayaa ku doodaya in iyadoo aan la siin ogeysiis la burburiyay ganacsiyadoodii.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dadkan ka qaadan jirtay canshuurro kala duwan, waxayna intooda badan sheegayaan in aanay jirin meel kale oo ay uga maarmi karaan waddada hareeraheeda.

Horey ayaa sidan oo kale loo burburiyay ganacsiyadan yaryar, balse muddo kooban ka dib halkoodii ayay kusoo noqdaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker