Ceebeey Tacaal Cali Seenyo! by Amir Bidde

Markii qaranku ku soo saaray ee caan kaa dhigay ee cashuurtii dadka masaakiinta ah laga guray lagugu mushahar siinayay adoo dal shisheeye jooga ayaad maanta oo dan shikhsiyeed ood wadatay lagaa horjoogsaday ayaad qarankii ku naas-nuujiyey ku tumanaysaa!! OO aad madaxdii qaranka ee masuulka ka ahaa nabadgelyada waddanka fadeexdaynaysaa. Taliyaha booliiska jeneraal Fadal kollay dano qaran darteed ayuu kuu horjoogsaday, wax shakhsiyeed maaha, masuuliyaddiisaa ka wayn taa. Laga yaabaa wax nabadgelyada dalka khuseeya ama dhawrista taariikhda qadiimka ah ee dalka inuu kuu horjoogsaday.
Midda kale waxyaabaha qadiimka ah ee khuseeya raadadka taariikhiga ah ee Somaliland maaha wax qof kastaa, ciddii doontaa ha soo dirsatee, fadhataysan karto. Waxaan u leenahay wasaarado, iyo hay’ado dawliya oo arrimahaa qaabilsan. Inaad iyaga oggolaansho kasoo qaadato ayay ahayd. Fiisaha aad ku andacoonayso waxaa laguu soo siiyey dal ku gal ee laguuma siin inaad taariikhda dalka ku bililaqaysato. Waxay ahayd inaad Hargaysa tagto oo ciddii ay khusayso oggolaansho ka qaadato.
Waxaa la yaab leh inaad si dii carruurta u hadasho: Hebel ma hebel buu ka baqayaa: Ma isagaa kaa adag. Waa hadal aan laga filayn nin wayn oo 70 jir ah. Inaad janaraalka nabadgelyada dalka oo dhan masuul ka ah in ka badan 10 sano aad tidhaa shaqadiisuuna garanayn waa kuu nusqaanimo. Kastamka iyo shaabadaha laanta socdaalka ee Lawyocaddo waxay kuu soo daayeen oo lagugu shaabadeeyey waa dal ku gal ee ha u qaadan inay tahay oggolaansho aad dalka waxaad doonto ka samayso. Malaha shuruudaha fiisaha Somaliland baanad akhriyin. Shuruudaha fiisayaasha waxa ku qoran inaad duurjoogta, dhirta, raadadka qadiimka ah ee Somaliland iyo dhaqanka suubban ee islaamka intaba ixtiraamto iyo in haddaad ku dhaqaaqdo arrimo liddi ku ah u burayaayo oggolaanshihii lagu siiyey fiisaha, ciidamada booliska iyo kuwa socdaalkuna dalka kaa saarayaan. Baro xeerarka dalka iyo shuruucdiisa saaxiib, intaanad cidlo ka warraaqin!
Waxa iyana ceeb ku ah telefeshanka Saab in nin u adeegsado cadhadiisa iyo caydiisa telefashankooda. Malaha wax protokool ah miyaa kuwan telefeshanno isku sheega ihi?
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker