Siyaasi Mustafe Shiine Oo Dhaliilay Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo La-Saftay Taliska Booliska Somaliland

Gudoomiyaha SOLJA ma waxa uu noqday markhaati horu-dhac ah oo saxafiga ku lid ah.

Weligay ma maqal mana arag urur xirfadeed xubnihiisa sii eedeeya ka hor inta aanay maxkamadi ku helin denbi.
Ururka SOLJA waxa la abuuray 3 qodob oo kala ah.

*difaacida xuquuqda warbaahineed ee saxafiga.
*kor u qaadida aqoonta Saxafiga
*ilaalinta heerka nolosha ee saxafiga, sida helida daryeel dhaqaale oo ku filan,haday tahay mushaharka ay ka helaan laama warbaahineed ee ay u shaqeeyaan ama gunadooda.

Ma jirto meel u banaynaysa in masuulka ugu sareeya ururka uu yahay maxkamad ka garniqi karta wararka ay sii daayaan suxufiyiinta, hadiise cida dhibana ka ah dhacdada warbaahineed ay u soo dacwooto ururka, kadib marka ay ka tanaasusho marka hore hay’adaha sharciga dawlada waxa gudoomiyaha ururka uu u gudbinayaa hadduu jiro guddida Anshaxa, hadaanu jirina waxa uu u saari karaa guddi arrintaa ka garnaqda, inta ka aasaasayo guddi anshaxeed.
Sababta guddida anshaxa loogu gudbinayaana waxay tahay inay ka garnaqdo oo la xaqiijiyo waxa saxafiga lagu soo eedaynaayo inay tahay gef uu galay ama ay tahay run uu sheegay oo laga gubtay.
Ka hor inta aanay guddidu go’aan ka gaadhin dacwada ama hay’adaha garsoorka dalku aanay qaraar ama xukun ka soo saarin ma jirto wax u fasaxaaya inuu gudoomiyaha ururka aragtidiisa ka dhiibto.
Gudoomiyaha ururka waxa uu ka hadli karaa kiis aan go’aan laga gaadhin marka dhib loo geysto saxafiga hawshiisa ku jira oo ama la xidho,la jidh dilo ama layska hortaago gudashada waajibkiisa, isagoo ku doodaya in dhibta jirta loo maro sifada sharciga ah.
Waxyaabaha yaabka iyo amakaaga leh waxa ka mid ah in gudoomiyaha SOLJA uu sheegay waraanay bulshadu ogayn oo u muuqday dagaal u dhaxeeya labada dawladood,kaasi oo uu ku sheegay in masuuliyiin dhanka Jabuutiya loo diiday inay xadka soo galaan, qaar kale oo reer Somaliland ay arrinkaa u xidhxidhan yihiin, isagoo u muuqday in uu ku eedaynaayo Cali Seenyo inuu dhexgalay dagaalkaa, sidaasina ay tahay in Xuuto oo ah gudoomiyihii Saxaafada difaaci lahaa uu isagii dhinac ka socdo ah khilaaf siyaasadeed, taasina ay keentay in saxafigii uu difaaci lahaa uu duro, kuna sii markhaati furo ka hor intaan cadaalada laysla hortegin.
Shirka jaraa’id ee Xuuto wuxuu sumcad xumo ku yahay ururka SOLJA, waxaanan hubaa haddii la turjumo oo ururada saxaafada difaaca loo diro in ay kalsoonidii ururka lagu qabay meesha ka baxayso.
Si kastba xaalku ha ahaadee waxaa guddida fulinta SOLJA looga gadhiyaa inay arrinkan iska baraxaan.
Mustafe Isse

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker