Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Yeelanaya.

Muqdisho-(OWN)-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dooddi doona wax ka badalka xeerka Bangiga.

Arrintan ayaa dood adag ka dhax abuurtay mushtamaca Soomaaliyeed kaddib uu soo baxay war ku saabsan in sababta wax ka badalka loogu sameynayo xeerka Bangiga uu yahay sidii qof Ajnabi ah loogu dhiibi lahaa guddoonka sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaannada qaarkood, Aqooyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay qorshaha wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo ay sababtu tahay sidii qof Ajnabi ah uu u maamuli lahaa Bangiga.

Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqooyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqabado aan hadda laga fiirsan lagala kulmi doono haddii qof ajnabi ah loo dhiibo Bangiga, gaar ahaan waxaa uu sheegay in qofka hadda lagu waddo uusan aqoon u laheyn maamulka Dhaqaallaha isaga oo bartay ayuu yidhi dhaqaalaha beeraha oo ah ayuu yidhi qeyb kooban oo ka mid ah cilmiga Dhaqaalaha.

Lama oga sida uu xildhibaannada Golaha Shacabku u wajihi doonaan marka la hor geeyo ajandaha wax ka badalka xeerka Bangiga iyo doodda arintan ku saabsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker