Duqa Magaalo Ku Taalla Dalka Poland Ayaa Isaga Oo Khudbad Masrax Ka Jeedinaya Mindi Lala Dhacay + Qaabka Ay Wax U Dhaceen Muuqaalka Iyo Sawirro.

Duqa magaalada Gdansk ee dalkaasi Poland ayaa xalay mindi la galiyay kadib markii uu soo weeraray nin ku hubeysan toorey xilli uu khudbad ka jeediyay isu-soobax magaaladaasi ka dhacay.

Pawel Adamowicz oo duqan lagu magacaabo ayaa laga arkayaa muuqaalo laga duubay isago oo masrax taagan oo mindida dhowr jeer la galinayo, dabadeedna uu ruuxa falkaasi geystay oo ahaa nin uu mindida masraxa la wareegaya dabadeedna xoog kula hadlaya dadweynaha.

Madaxweynaha dalkaasi PolandĀ Andrzej Duda, ayaa warbaahinta u sheegay in duqa magaalada Gdansk uu wali nool yahay islamarkaana ay takhaatiirtu la tacaaleyso dhaawiciisa culus.

Adamowicz oo 53-jir ah ayaa magaalada Gdansk ka ahaa duq magaalo mudo 20 sano ah, waxaana uu ahaa nin aad looga yaqaano magaaladaasi iyo dalka intiisa kaleba.

Nin 27 jir ah ayaa loo qabtay oo ka dambeeyay falkaasi, waxaana uu sheegay xilli uu xoog kula hadlayay dadweynaha in si khaldan xabsi ay u dhigeen xukuumaddii hore ee uu qeybta ka ahaa Adamowics.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker