Diyaarad Ku Burburtay Dalka Iiran.

Tehran.-(OWN)-Diyaarad ay saarnaayeen ugu yaraan 9 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Fatx ee ku yaalla caasimadda Iiran ee Tehran.

Warbaahinta Iiran ayaa ku warrantay in ilaa iyo hadda aysan jirin faahfaahin ku saabsan khaasaraha ka dhashay shilka diyaaradda.

Madaxa gurmadka deg deg ee dalka Iran Pirhossein Kolivand ayaa sheegay in uusan weli wax war ah ka helin shilka diyaaradda.

Warbaahinta Iiraan ayaa ku warrantay in diyaaradda kasoo duushay garoon ku yaalla dalka Kyrgyzstan.

Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ayaa baahisay sawirro muujinaya diyaaradda oo holceysa.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray goobta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker