Daawo:-”Waxaan Rajeynaynaa In Deymaha Nalaka Cafiyo Sanadkan, Dakhliga Dalka Gudihiisuna Waxa Uu Kor U Kacay 64%”Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Muqdisho-(OWN)-Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliaydda Somaaliya oo warbaahinta u qabtay shir jaraa’id bille ah waxaa uu ku faah faahiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda sanadkii tagay 2018 iyo qorshah Uu degsan wasaaradd asanadka 2019.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay  in 2-dii  sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba,markii ay wasaaraddu xoojisay  nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa,taasi oo uu ku tilmaamay in wax badan ay ku soo kordhisay daqliga soo xarooda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dowladda ayuu tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharaadka Ciidanka iyo shaqaalaha dowladda,islamarkaana sanadkaan ay rajaynayso si la mid ah sanadihii hore.

Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen  ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo.

Dhaqaalaha Soomaaliya ee waqtigaan marka lala meel dhigao dalalka kale waa mid aad u yar si loo gaaro isku filnaan iyo kobac dhaqaale,wuxuuna u ku buuriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan casnhuuraha si loola baratamo dowladaha kale ee caalamka.

Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan uu raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Halkan Hoose Ka Daawo Hadalka Wasiirka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker