WAR-GALIN: Faah-faahin Ku Saabsan Tartan Uu Qabanayo Ururka WIJA U Qabanayo Hablaha Saxaafadda Ku Jira

Ururka gabdhaha suxufiyiinta Somaliland ee WIJA oo ah urur aan dowli ahayn,

kana shaqeeya horumarinta warbaahinta dalka iyo arrimaha haweenka, waxaa uu

ogaysiinayaa gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta dalka ee ku nool dhamaan

gobollada Somaliland in ay u qaban doonaan tartan ay ku soo bandhigayaan

xirfaddooda.

Ururka WIJA oo kaashanaya hay’adda Mucaawimooyinka dalka Ingiriiska ee UK

Aid, waxa uu ugu talogalay inuu tartankan ku abaalmariyo gabdhaha suxufiyiinta

ah ee reer Somaliland, taasoo qayb ka ah dedaalada uu ururka WIJA ugu jiro kor u

qaadista aqoonta gabdhaha suxufiyiinta sida; tababarada iyo dhiirigalinta uu

markasta la barbar joogo gabdhaha ka hawlgala warbaahinta dalka ta dowliga ah

iyo ta gaarka loo leeyahayba.

Haddaba, shuruuraha tartanka waxa ka mid ah:

  1. Tartanka waxa lagaga qaybgalayaa oo tartameyaashu barnaamijyadooda ku

salaynayaan saddexdan mawduuc midkood:

Waa in barnaamijku yahay mid ka hadlaya haweenka Somaliland

iyo dhibaatooyinka ka hortaagan ka qaybgalka talada dalka.

Waa inuu yahay mid ka hadlaya Gudniinka Fircooniga iyo

dhibaatooyinkiisa iyo sidii loo dabar-goyn lahaa caaddo-

dhaqameedkan.

Ama inuu yahay mid ka hadlaya Tacadiyada ka dhan ka ah dadka

nugulka ah, sida haweenka iyo caruurta.

 

  1. Waxaa ay barnaamijyadu noqon karaan: mid qoraal ah (sida barnaamij

wargeys ama website), mid maqal ah (sida barnaamij Idaacadeed) iyo mid

maqal/muuqaal ah (sida barnaamij TV).

  1. Ka qaybgalka tartanku waxa uu u furan yahay dhammaan gabdhaha

suxufiyiinta ee ka hawlgala lixda gobol ee Somaliland.

  1. Tartanka waxaa lagaga qaybgalayaa si keli-keli ah, lamana aqbali doono

koox wax soo wada diyaarisa.

 

  1. Waqtiga barnaamijku wuxuu noqon karaa:

TV: mid aan ka badnayn 15 daqiiqo

Radio: Mid aan ka badnayn 15 daqiiqo

Wargeys ama Website: Qoraal aan ka badnayn 3 bog ama 1500

erey.

 

  1. Barnaamijku waa inuu noqdaa mid cusub oo aan ka bixin idaacad iyo TV,

laguna qorin wargeys iyo website midna.

  1. Ka qaybgalka tartanku wuxuu furan yahay January, 1-31/2019, waana in

tartameyaashu kusoo gudbiyaan hab electroonig ah. Barnaamijyada waxa

ka qaybgaleyaashu ku soo dirayaan emailka: tartankahablaha@gmail.com

  1. Marka uu ka qaybgaluhu barnaamijkiisa gudbinayo, waxa looga baahan

yahay inay la socdaan magaca qofka oo dhammaystiran, telefoonka iyo

emailka.

  1. Abaalmarinta waxa la qaban doonaa horaanta bisha February 2019.
  2. Waxa abaalmarinada heli doona saddexda qof ee ugu sareeya.
  3. Ka qaybgaleyaashu wixii ay su’aal qabaan, waxay la soo xidhiidhi karaan

ciwaanadan, inta ka horeysa 25 January.

Tel: 063-3435332 ama 512413

Xafiiska ururka WIJA ee magaalada Hargeysa oo ku yaala Fooqa

Cimaarat Salaama, jidka Radio Hargeysa, degmada Gacan-libaax.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker