Wararkii Ugu Danbeeyay Dab Xalay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Muqdisho-(OWN)-Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaadhan marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.

Dabkan oo markii hore ka bilaawday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda iyo Joodariyaasha ama furshaanta ayaa markiiba ku fiday qeybo kale oo isla suuqa ka tirsan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii halkaa gurmadka u tagay.

‘’Dabkan waxaa odhan karaa waa kii ugu weynaa oo waayadan soo mara suuqa oo marar badan ooh ore sidan oo kale uu dab uga kacay, hasse ahaatee kii xalay waxaa la dhihi karaa waa kii ugu ballaadhnaa oo waayadan aan arko’’ ayuu yidhi qof ka mid ahaa dadkii xalay ku kaacay markii ay ka war helleen warka ku saabsan dabka qabsaday suuqa.

Wuxuu sheegay in uu isku fidiyay laga soo bilaabo qeybta Huudheyda ilaa laga soo gaadho qeybta kale ee lagu iibiyo maacuunta ee Suuqa Khaliifa, halkaas oo laga dheehan karay saameynta uu lahaa dabka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo.

Suuqa Bakaaraha. Waa xuddunta dhaqaalaha Soomaaliya, hantida taallana waxay u dhiganta balaayiin dollar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker