Daawo:-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Ayaa Booqasho Ku Tagay Xadka Mexico Ee Uu Doonayo Inuu Gidaar Ka Dhiso.

USA-(OWN)-Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ku goodiyay inuu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah oo qaran si lacag loogu helo dhismaha gidaarka xadka Mareykan iyo Mexico xilli koongareesku ku gacan seeray inay ansixiyaan qarashki lagu dhisi laha.

“Waxaan xaq u leeyahay inaa ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran,” ayuu ku yiri warfidiyeenada xillli uu kusii socday xaflad ay ku lahaayeen xadka.

Waxa uu sidoo kale madaxweyne Trump sheegay in dowladda Mexico ay “si dadbadan” u bixineyso qarashka dhismaha gidaarka.

Laamaha dowladda Mareykanka ayaa qeyb ahaan ay xirnaayeen 20 kii maalmood ee lasoo dhaafay, taasi oo sababtay in ku dhawaad 800 oo kun shaqaalaha federaalka ah ay mushaar la’aan ku dhacdo.

Madaxweyne Trump ayaa diidan inuu saxiixo sharci lagu maalgelinayo dibna loogu furayo howlaha laamaha dowladda haddii aysan ka mid ahayn 5.7 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo gidaarka xadka Mexico iyo Mareykanka.

Balse wadahadalo lagu arrinsanayay qarashka dhismaha gidaarka ayaa socon waayay xilli xubnaha dimoqaraadiyiinta ay ku gacan seereen inay ogolaadaan qarashkaasi.

Hogaamiyeyaasha Republican-ka ayaa ku adkeysanaya in xisbigu uu garab taagan yahay madaxweynaha, inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay doonayaan in laamaha xukuumadda xayiraada laga qaado.

Madaxweynaha ayaa isaga baxay wadahadalkii kadib markii Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer ay ku adkaysteen diidmadooda ku aaddan dhaqaalaha lagu bixinayo qoorsha madaxweynuhu uu ku doonayo in darbiga looga dhiso xuduudda Maraykanku uu la wadaago Mexico.

Mr Trump ayaa kulankaas ku tilmaamay in uu ahaa waqti lumis.

Boqolaal kun oo ah shaqaalaha federaalka oo shaqaynaya mushahaar la’aan ayaa toddobaadkan waayi doona gunnooyinkooda.

Mr Trump ayaa ku hanjabay in uu ku dhawaaqi doono xaalad degdeg ah oo qaran haddii ay sii socoto xiisadda la xiriirta darbiga, asagoo garab mari doono ansaxinta Koongareeska ee dhisidda gidaarka.

Ismari waagaan ayaa dhaliyey in ay xirnaadaan laamo kamid ah xukuumadda tan iyo 22 December.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker