Hay’adda Amnesty Oo Ku Baaqday In Baadhitaan Caalami Ah Lagu Sameeyo Dilkii Wariye Jamal Khashoggi.

Hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights ayaa ku baaqay markale in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dilkii wariye Jamal Khashoogi.

Xubno ka tirsan hey,adahaan ayaa waxay hortageen dhismaha qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul halkaasi oo aheyd meesha lagu dilay saxafigaan boqol maalin ka hor.

Waa muhiim in saraakiisha amniga ay ku adkeestaan in baaritaan madax banaan la helo,balse xaqiiqda ayaa ah in dhamaan bulshada caalamka ay ka go,naato sidii cadaalada uu u heli lahaa saxafigan,sidaas waxaa warbaahinta Al-Jasiira u sheegay Andrew Gardner oo ka tirsan hey,ada Amnesty.

Jamal Khashoggi ayaa 2-dii bishii November waxaa lagu dhexdilay qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul waxaana ilaa iyo hada la la yahay Jirkiisa.

Wariyaha la dilay oo u dhashay sacuudiga ayaa marar badan qormo uu ku qoray wargeys-ka washington Post waxaa uu ku dhaleeceyay siyaasada boqortooyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker