Somaliland ha ku dayato jaarka by Amir Bidde

Waxa cid walba uu cad in doorashooyinku Somaliland ay dhib wayn u horseedaan. Dhibaatadaa wax ka mid kicinta xamaasad qabiileed, dadka oo qabiil-qabiil iyo reero loo kala qaybiyo. Xisbiyada oo qabiil ku salaysan. Siyaasiinta oo qabyaalad isku bahaysta. Doorashooyinka oo qabyaalad loogu ololeeyo. Doorasho kasta oo dalka ka dhacdaa waxay reebtaa xanaf iyo xafiiltan xun oo nabar wayn ku reeba dadka. Isnac iyo kala fogaansho. Waana wax qaranimada, waddaninimada iyo wada dhalashada dhaawacaya.
Xisbiyada qaranku waxaan qabiil iyo qabyaalad ahayn kuma dhisnaan karaan sabatoo ah ma jiro wax fikir iyo qorshe qaran oo ay ku kala duwan yihiin. Waxay ku kala duwan yihiin kaliya qabiilka ay yihiin nimanka meesha isku urursaday iyo hoggaamihooda xisbiyeed. Dadwaynaha Somaliland waxay doorashada imika u yaqaanaan uun in qabiilooyin tartamayaan. La isma waydiiyo muxuu ninkani ii qaban, muxuu soo kordhinayaa, muxuu rumaysan yahay iwm. Siyaasiintiina sidan danbaa ugu jirta oo cidiba ma waydiinayso wax qabadkooda. Kii waydiiyana waxa loo arkayaa inuu qabiil ahaan ku diiddan yahay madaxwaynaha, oo cidi kama hoos qaadayso.
Ummad bulshadeedu ku dhisan tahay qabiil oo dadka run ahaan dalka maamulaa ay yihiin caaqilada iyo suldaanada, doorasho guud dan uma aha. Xataa xildhibaanada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka waxa soo xula oo soo sharraxa odayaasha qabiilka, waxaana loo qaybsadaa jilib-jilib iyo laffo hoose. Reer walba inta ka soo galaysa golayaasha way qorshaysan tahay. Odayaashuna kuma soo xulaan aqoon iyo wax qabad ee miisaanku waa intuu lacag haysto ee uu odayaasha dhergin karo. Lacagtaa ama ha soo xado oo dad ha ku soo dilo ama si kalaba ha ku keenee.
Waxaan ognahay in dhaqan ahaan aan la mid nahay uun dalalka jaarkeena sida Soomaaliya iyo Itoobiya, Doorashada dalalkaasi habkay u dhacdaana waa  hab ummaddu ku badbaado. Bal u fiirso doorashadii imika ee Puntland! qabiilooyinka wax saamayn ah kuma leh. Tii Itoobiya sidoo kale shicibka ma taabanayso. Mid walba waxa hoggaamiyaha soo doorta tiro dad ah oo cayiman. Puntland waxayba ahaayeen 66 qof oo kaliya. Itoobiyana dhowr xisbi baa la sameeyey ka dibna xisbiyada dhexdoodaa marba nin doorta. Somaliland danteedu sidan oo kale ayay ku jirtaa.
Doorasho walba dib u dhac, xanaf, qaran burbur, isnac iyo xumaan bay innoo keentaa. Shicibkana wax dani uguma jirto oo xataa haddii la doorto kaad hayb wadaagtaan waxba uma soo kordhin karo . oo reerna maaha afar nin oo meel loo magacaabo. Waxa reerka iyo dalkaba u dan ah nin dalka hormarinaya dadkuna u arkaan inuu ka dhexeeyo.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker