Natiijada Doorashada Wadanka Congo Oo La Shaaciyey.

Musharaxa kaalinta labaad ka galay doorashadii madaxtinimo ee dalka jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa ku gacan seedhay natiijada rasmiga ah oo muujisay in Feilx Tshisekedi uu ku guuleystay doorashadii dhacday 30-kii December, kuna qeexay mid been abuur ah.

Martin Fayulu

Guddiga doorashada dalkaas ee CENI ayaa goor hore oo khamiista maanta ah ku dhawaaqay in Tshisekedi uu helay 38% codadkii la tirayey.

Natiijada ayaa ka yaabisay kormeerayaasha, maadaama codadka ra’yiga ee ka hor doorashada ay saadaaliyeen in hoggaamiyaha kale ee mucaaradka Martin Fayulu uu ku guuleysanayo doorashada.

Martin Fayulu oo helay 34% codadka ayaa ku eedeeyey guddiga doorashada inay fuliyeen “afgmabi doorasho”, wuxuuna ugu baaqay Kaniisadda Katooliga inay shaaciso natiijada cod ururinteeda madaxa banaan.

Diblomaasiyiin badan ayaa warbaahinta u sheegay in codadka ay xisaabiyeen kooxda kormeerayaasha kaniisadda ay muujinayaan in Fayulu uu ku guuleystay doorashada.

Wasiirka arrimaha dibedda Franasiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale shaki ka jujiyey natiijada, isaga oo u sheegay taleefishinka Faransiiska ee CNews in natiijada rasmiga ah iyo codadka la xisaabiyey aysan is-waafaqsaneyn.

Natiijada rasmiga ah ayaa sare usii qaadi doonto xan sheegeysay in madaxweynaha xilka ka degaya ee Joseph Kabila uu heshiis la galay Tshisekedi si uu ugu dhawaaqo inuu doorashada ku guuleystay.

Emmanuel Ramazani Shadary, oo uu madaxweyne Kabila u xushay inuu beddelkiisa noqdo, ayaa kaalinta saddexaad oo aad u fog galay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker