Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Maanta Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada.

Garoowe-(OWN)-Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyaha shirka golaha wasiirrada, iyadoo uu dhinac fadhiyay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Cabdiweli Gaas.

Shirka waxaa kalo goobjoog u ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub,Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash ) iyo madaxweyne ku-xigeenka xilka ka dagaya Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey).

Kulanka wasiirrada uu waqtiga ka dhammaaday iyo madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa faahfaahin ka bixiyay qodobbadii ka soo baxay wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xidhiidhka golayaasha ,Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jacel), waxa uu sheegay in madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu faray si deg deg ah inay shaqadoodda ugu laabtay wasiirrada,guddoomiyaasha gobollada iyo agaasimayaasha , si loo dardar-galiyo howlihii dowladda ay u haysay shacabka.
Madaxweyne Deni , waxaa kalo uu shirka ka sheegay in laga gudbay waqtigii ololaha iyo kala qaybsanaanta, loona gudbay wadajir, wada socod iyo shaqada dowladda. Sidoo kale waxa uu ka digay in laga faa’ideysto waqtiga kala guurka, isagoo hay’adaha ammaanka iyo shacabka ka dalbaday in la ilaaliyo amniga guud iyo dowladnimadda.
Toddobaadka dambe ayaa lagu wadaa inuu madaxweynaha cusub si rasmi ah xilka ugala wareego madaxweynaha xilka ka dagaya Cabdiweli Gaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker