madaarka cigaal airport shaqaale isku dulman oo qayb ka mid muqdisho looga taliyo iyo hay’adda duulista iyo madaarada oo gabtay shaqdii loo igmaday!!!!

wasiirkii hore ee duulista hawada iyo gaadiidka cirka somailand maxamuud xaashi cabdi ayaa hindisay curinta waaxda dabdamiska{fire department and rescue} ee madaarka cigaa international airport,xilli wasaaraddii duulistu baahi wayn u qabatay helitaanka dhalinyaro firfircoon oo daboosha baahida  jirtay isla markaana gacan ka gaysta badbaadada rakaabka naf iyo maalba iyo bedqabka diyaaradaha.
wasiir maxamuud xaashi oo ahaa madaale ay ka dhabtahay rumaynta iyo xaqiijinta himilooyinka maskaxdiisa ku jira isla markaana salluugay habdhaqanka iyo tamar yaraanta dabdamiska ay hay’adda icao maamusho oo intooda badani yihiin rag da’i u run sheegtay oo carruurtooda masaariiftooda meesha kala soo baxa balse muruq iyo maskax ahaanba a lagu halayn karayn inay gurmad u noqdaan halis kastoo la soo derista diyaaradaha.
mudane maxamuud xaashi isagoo ka duulayey  wacyiga jiray oo caqabad ku noqday hankiisa horumarineed iyo hiigsiga in garoonka cigaal la jaanqado kuwa caalamiga ah ayuu laba daran mid doortay,wuxuuna garwaaqsaday in dabdamiska hay’adda icao{international civil aviation organization} ay gacanta ku haysaa tamartooda iyo kartidoodaba aan lagu aamini karayn hawalaha gurmadka u baahan, taas oo wasiirka uga dhignayd gacamo daalis aan natiijo laga gaadhayn hadduu xaalku sidan ku sii socdo.
dabdamisak ay hay’adda icao maamusho ayaan haysan qalab dhamaystiran oo lagula tacaali karo,haday wax dhibaato ahi soo foodsaaraaan diyaaradaha iyo rakaabka saaranba,  kuwaas oo haddii xaalad gurmad u baahani timaado xaalooodu isugu soo ururayo aragtaye maxaad odhan ma indhahaad wax kaga jari.
wasiir maxamuud xaashi oo doonayey inuu garoonka derejadu taagnaa kor uga u qaado taas oo ahayd category 3 kana dhigay categorty 9 laakiin tallaabo kastoo wasiirku ku doonayey inuu ku soo xerogeliyo diyaarado heer caalami ah oo doonayey inay hargaysa duulimaadyo ka bilaabaan,waxa lafdhuufgashashay ku noqotay  su’aalo tiro badan oo hal xidhaale ku noqday maanka wasiirka ka jawaabistooduna ahayd mid sahal looga fal celin karayn.
su’aalahaasi hadaan wax  ka tibaaxo waxa ka mid ahaa;
dabdamis ma leedihiin? shaqaalihiinu ma haystaan tabobarkii loo baahnaa?
imisaa haysataan gawaadhida dabadmisak{fire track}?
wasiirku isagoo ku xisaabtatamaya wakhtiga kooban uu haystay ito tamarta xukuumadduu  ka tirsanaa,wuxuu baadi goob u galay dhaliynaro muruq ahaan iyo jidh ahaanba dhisan oo ka falcelin karta baahidii loo qabay xairfadleyaal hannan kara hawsha loo igmado,taasina wakhti kooban ayuu ku dhamaystiray.
markii qorshihii maxamuud xaashi hirgalay diyaarado caalami ah ayaa ku soo xidhmay madaarka cigaal international airport oo ay ka mid ahaayeen,fly dubai iyo al arabia oo duulimaadyo ka bilaabay hargaysa ka dib markii la dhamaystiray shuruudihii dabdamisku hormuudka u ahaa ayna ku qanceen fulinta tabashadooda iyo adeeggii ay u baahnaayeen oo xal rasmi ah laga gaadhay.
wasiir xaashi wuxuu dhisay siyaasad ku qotonta cilmi,wuxuuna diyaariyey cudud shaqaale heegan ah oo bedel u noqon kara kuwa hay’adda icao maamusho haday noqoto ATC{air traffic controller} fire {dabdamis} iyo marshallerska diyaaradaha baarkingareeya oo si hufan oo xeeladaysan uga soo bixi kara adeegga martida looga yahay qabashadiisa.
hadaba shaqaalahan kuwa dawladu gacanta ku hayso iyo kuwa hay’adda icao maamusho oo xayndaab kaliya ku wada jira ayaan xaq iyo xaquuq midna ka sinnayn tusaale ahaan inanka dawladu mushaharka dawladu siiso wuxuu qaataa mushaharka dawladda oo laysla garanayo xaddigiisa halka kuwa hayadda icao ka mushahar badan yahay,iyadoo aanay jirin addeeg dheeraad ah oo ay madaarka u hayaan oo ka duwan kan shaqaalaha dawladu qabtaan.
maxay ku kala duwan yihiin shaqaalahani isku midka ahi?
marka loo dhabogalo xaqiiqa ahaan waxa xusid mudan in shaqaalaha dawladu ay ku hawlgalaan gawaadhi waaweyn oo casri ah iyo shaqaale adkaysi uleh inay dalkooda ugu shaqeeyaan si daacadnimo ku jirto iyagoo dhheefta ay qaataan ay tahay mid faro guudkood ah.
hadaba shaqaalahan ATCga,fireka iyo marshallerska yaan ku jirin payrollka dawlada shaqaalaha joogtada ah[permanent] waxaana hore systemka dawladda hore uga saaray wasiirkii duulista farxaan aadan haybe iyo agaasimihii guud cumar sayid maxamed cabdillaahi oo qaab jujuub ah ugau adeegsaday awoodii ay hayeen u adeegsaday siday bannanka uga dhigi lahaayeen.
inkastoo ay intooda badani ka biyo diideen tallabadasi muddona ay ka cagojiideen dalabkii xaqdarada ahaa ee lagu duudsiyey xaqoodii,hadana cago juglayn ka dib waxay qalinka ku duugeen dulmiga madaxdoodu ku haysay, iyadoo kuwii isku dayey inay ka horyimaadaan loogu hanjabay inaanay garoonka fooda soo gelin doonin hadaanay u dhego nuglaan dalabkooda.
markaynu kuwa hayadda milicsano ma jirto gawaadhi qalabaysan oo gacanta ugu jira iyo xattaa mid gurmad u noqon kara inuu caawiyo gawaadhida kale  balse xaajiyaddo yaryar oo aanu saarnayn qalab yaa ishaadu qabanayaa iyagoo runwayga ku gudo jira oo qaarkood aan lahayn midabka dabdamiska waa arrin dhibaato ku keeni karta amniga madaarka haddaan si degdeg ah wax looga qaban oo maamulka madaarku ku baraarugin saamaynta ay yeelan karto.
hay’adda qaramada midoobay ee icao ayaan waxba ka qaban garoomada diyaaradahu ka haadaan ee somaliland, mudadii 20 sanno ahayd ee ay hawada  soomalida maamulasay haday noqoto dayactir garoomada ay samaysay iyo dhismaha kuwo cusub hirgelintooda,iska daa inay wax dhisto’e hal xafiis kamay samayn garoonka cigaal ee hargaysa oo ah halbawlaha hawlmaalmeedkooda.
shaqaalaha icao maamusho ayaa si dadban ula shaqeeya hay’adda duulista iyo madaarada somaliland oo aan maamul ahaan hoos iman, maadaama laga maamulo magaaladada muqdisho ee xarunta somaliya oo hay’adda fadhigeedu yahay.
waxaanay madaxda hay’adda duulisata dhibaato kala kulmaan shaqaalahan markay timaado la xisaabtanku siday ii xaqiijeen dad xogogaal u ah dhacdooyin badan oo soo maray madaarka kuwaas oo go’aanka u dambeeya ay leedahay dawalada somaliya oo amarkeedu dhaqangalo.
sidaynu ognahay dawladda somaliya ayaa gebi ahaanba la wareegtay,maamulka hawada somaliland iyo somaliya ka dhaxaysa oo muddo dheer muran xooggan iyo khilaaf ka taagnaa,balse dawlada soomaliya ayaa si rasmi ah bishii june ee sannadkii tegay ula wareegtay maamulka hawada oo muqdisho loo soo raray xafiiskii nairobi ka furnaa,fiss[flight informatio services for somalia]
dawlada somaliya waxay dhamaystirtay qalabkii loogu talogalay in hawada lagu maamulo oo casri ah kaasi oo soo gunaanaday in kenya laga maarmay inay xarun u noqoto maamulka hawada soomaalida.
shir aan la shaacin natiijadii ka soo baxday oo maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada somaliland duuliye cabdi maxamed rodol uu la qaatay,wasiirka duulista somaliya maxamed cabdillaahi omaar ayaa laga dhadhansan karaa in isfahan qabyo ah laga gaadhay duluucda wadahadalaasi labada masuul ku dhexmaray nairobi, hase ahaatee maareeye rodol ayaa wakhti  dambe carabaabay inay wadahadalaasi midho dhal ahaayeen.
tallaabaasi waxay saamayn ku yeelatay xukuumadda somaliland oo godkeeda biyo ugu galeen,maxaa yeelay shaqaalaha hay’adda icao u joogay hargaysa ayaa maamulka muqdisho ku amray in kharashka ku baxaya iyo mushaharkoodaba  looga soo dirayo magaaladda muqdisho ee xarunta somaliya,iyagoo ku sugan  carrada somaliland.
marka si guud loo eego tallaabadan dawladda somaliya qaaday iyo ogolaansha xukuumadda muuse biixi ayaa dhabarjab ku ah go’aamadii lagu meel mariyey goonni isu taagga jsl 1991kii.
haddii aanay xukuumadda somaliland ka soo saarin qaraar cad sababta keentay in madaarka magaaladda hargaysa ee cigaal international airport u qayb ka noqdo somaliya,arrinku wuxuu u muuqdaa in muuse biixi iyo xukuumaddiisu durbaanka u garaacayaan midaw dambe oo soomaliyeed dib u curashadiisa.
waxa dhiman in madaarka cigaal laga taago calankii buluugga ahaa,waana ifafaalaha sansaantiisu inoo muuqato,waana khiyaamo qarankana tisqaaday loogu talogalay in lagu minjo xaabiyo madaxbannaanidiisa iyo jiritaankiisa.
goormaynu noqonay qayb ka mid ah soomaaliya? maxaa keenay in dalkeennna  qayb ka mid ah loo hibeeyo inay soomaaliya maamusho?
hay’adda duulista ayaa joojisay waraaqihii go home ka oo inta badan ay ku safri jireen dadka isaga goosha somaliland iyo somaliya,waxaana dadka lagu amray inay soo qaataan passport,dad badan ayaa socdaalkoodii u bedelay dhinaca puntland oo ay uga sii ambabaxaan magaalada muqdisho,taasoo somaliland ku keentay saamayn dhaqaale oo xooggan.
maahmaah soomaliyeed ayaa tidhaahda bakhtiga ma cunee fuudkiisaanu cabnaa,mar haddii garoonka diyaaradaha ee magaaladda hargaysa uu qayb ka yahay heshiiska 4.5ka somaliya lagula galay maxay sheegaysaa dad rakaab ah oo la celiyo waraaqonan lagu xidho?
lasoco qaybta dambe oo xiiso leh………
daahir dubad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker