Doqontu Toban Kun Oo Indhood Ayey Leedahay, 9999 Indhood Waxay Ku Eegtaa Sokeeyaha, Halka ILna Waxay Ku Eegtaa Cadoowgeeda !!!!!!!!. Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

 Xaasidku Waa Shayga Ugu Xun Ee Qofka Bini Aadamka Ahi Haddii Uu Joogteeyo U Keeni Kara  Inuu Ka Naxo Ama Ka Murugoodo, Ama Ka Muraara Dilaaco,  Qofkasta Oo Allaah(Swt) Siiyey Hadiyadda Ugu Qaalisan Aduunka, Aakhirana Gaynaysa Janooyinka,  Nimcadaas Oo Ah Islaamka, Shanta Tiir Islaam Oo Lala Yimaado Sida Ashahaadada, Salaada, Bisha Ramadaan Oo La Soomo, Xajka, Zakada, Ama Qofkasta Oo Allaah(Swt) Wax Siisay, Ha Noqoto Maal Fara Badan, Xoolo Miyi, Xaasas Badan, Awlaad Badan, Karti Uu Khayrkii Dheer Yahay, Shaqooyin Wanaagsan, Dabeecad, Fur Furnaan, Xarago Badnaan, Bulshaawi, Deeq, Iyo Geesinimo!!!!!!.

Cudurka Dilaaga Ah Ee Xasadka Wuxuu Ku Dhacay Wadanka Soomaaliya Ee Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Talyaaniga!!!!!!, Labaddii Wadan Ee Midoobay Somaliland Iyo Soomaaliya 1/7/1960, Midoowgaasi Sanad Ka Bacdi Waa Lagu Kala Booday, Ka Dib Heshiisyo La Kala Saxeexday Oo La Doonayey Inay Dhaqan Galaan Sanadka Horaantiisa 1961, Heshiisyadaas Oo Ah Haddii Lays Fahmi Waayo Oo Dawladda Si Isleeg Wax Loogu Qaybsan Waayo In La Kala Noqdo Oo Labaddii Wadan La Kala Ahaado!!!!!, Heshiisyaddii Ay Somaliland Soo Qoratay Markii Lagu Riday Teneg Xashiishka!!!!!!, Siyaasiyiintii, Aqoonyahankii, Saraakiishii Iyo CiidamaddiI Somaliland Waxay Go’aan Ku Gaadheen Inay Inqilaab Milateri Ku Qabsadaan Goboladda Somaliland Oo Ay Ku Dhawaaqaan Inay La Soo Noqdeen Xoriyadoodii Ay Kula Midoobeen Soomaaliya!!!!!!,
Wakhtigaas Oo Aan Ciidamadda Ka Soo Jeeda Somaliland Loo Soo Rarin Ama Loo Soo Wareejin Goboladda Soomaaliya!!!!!, Inqilaabkii 1961 Ee Dhicisoobay Ama Fashilmay Waxay Keentay In Soomaaliyaddii Lala Midoobay Madaxwaynahoodii, Raysal Wasaarahoodii, Wasiirkoodii Arrimaha Gudaha, Taliyahoodii Milateriga Inay Dhamaantood Go’aan Ku Gaadhaan Inay Ciidamadda Somaliland Dhamaantood Loo Soo Wareejiyo Goboladda Soomaaliya!!!!, Si Looga Feejignaado Inqilaab Milateri Oo Dambe Oo Ay Ku Riyoodaan!!!!,
Soomaaliya Iyo Somaliland Muddo Sodon Sano Ah Ayey Lahaayeen Wax Loogu Yeedho Midnimaddii Madoobayd!!!!!!,
Somaliland Waxay Xoriyadeedii Godka Madoow Ku Dhacday Ay U Soo Mareen Inay Dhiig Kula Soo Noqdaan Halgan Jabhadeed Oo Hubaysan Oo Ay U Dhamaayeen Beelaha Somaliland, Beelaha Somaliland Haba Ku Kala Bataanee Halgankaasi Wuxuu Keenay Dhimasho Badan, Dhaawac Badan, Xasuuq Aad U Fara Badan Oo Ay Gaysteen Ciidamaddii Milateriga Ee Xukuumaddii Milateriga Ee Madaxwayne Muxammad Siyaad Barre Ay Ka Amar Qaadanayeen!!!!!!!!.
Somaliland Waxay Ku Dhawaaqday
18/May/1991 Inay La Soo Noqotay Xoriyadeedii Luntay 26/June/1960!!!!!!!.
Somaliland 28 Sano Waxay Ahayd Wadan Buuxiyey Nidaamkii Ay Lahaan Jireen Dawladaha La Aqoonsan Yahay Ee Ay Ka Jiraan Nidaam Sharci, Somaliland Waxaa Soo Maray Shan Madaxwayne Oo Laba Madaxwayne Ay Ku Yimaadeen Nidaamka Hab Beeleedka, Sadex Madaxwayne Waxay Ku Yimaadeen Nidaamka Xisbiyadda Badan Oo Ah Doorasho Qofkastaaba Uu Xor U Yahay Xisbiga Uu U Codaynayo, Haddii Ay Noqoto Doorashadda Madaxtooyadda, Doorashadda Barlamaanka, Doorashadda Dawladaha Hoose, Somaliland Waxay Leedahay Milateri Awood Leh Oo Sugi Kara Xuduudahooda, Waxayna Ku Taalaa Bugcad Ama Goob Aad U Mihiim Ah Oo Wadamadda Muslimka, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Barigu,  Wadamadda Afrika, Iyo Qaramadda Midoobay Ay Qasab  Ku Tahay Inay Somaliland Ula Macaamilaan Sidii Wadan La Aqoonsan Yahay Oo Wadanka Imaaraadka Carabtu Uu Ka Samaystay Saldhig Milateri!!!!!,
Wadamo Badan Oo Ay Ka Mid Ka Yihiin Ruushka, Ingiriiska, Turkiga, Iyo Sacuudi Carabiya Ay Doonayaan Inay Saldhigyo Milateri Ka Samaystaan Xeebaha Somaliland.
Xukuumadda Soomaaliya Ee Taagta Daran Waxay Aad Iyo Aad Uga Xumaatay Booqashaddii Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriisku Gavin Williamson Uu Ku Tegay Jamhuuriyadda Somaliland!!!!!!!,
Wadanka Ingiriiskuna Jamhuuriyadda Somaliland Oo Uu Calooshiisa Ku Qarsanayey Madaxwaynayaashii Somaliland Soo Marayna Ay Cadaadis Ku Saari Jireen Inuu Ingiriisku Noqdo Wadanka Ugu Horeeya Ee Somaliland Aqoonsada!!!!!, Wadanka Ingiriiskuna Uu Iskaga Soo Riixi Jiray Wadamadda Afrika Ama Soomaaliya Inay Aqoonsi Ka Raadiyaan!!!!!!.
Wasiirka Ama Xooghayaha Gaashaandhiga Wadanka Ingiriiska Wuxuu Bartiisa Twitter-ka
Ku Qoray:-
Gavin Williamson MP
@GavinWilliamson
I had the privilege of meeting with the president of Somaliland Muse Bihi to discuss Strengthening the relationship between our two countries. I also had the opportunity to see some of the work our armed forces do in Somaliland.
Qoraalka Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriisku Waxay Fariin Cad Oo Aan Gabasho Lahayn Iyo Dhabar Jab U Tahay Maamulka Muqdisho Oo Si Xun Ula Dhaqmay Ergaygii Qaramadda Midoobay Ee Wakiilka Uga Ahaa Soomaaliya!.
Wasiirka Ama Xoghayaha Gaashaandhiga Ee Ingiriisku Qoraalkiisa Dambe Ee Uu Bartiisa Twitter-ka Ku Qoray Macno Sidaas U Sii Wayn Samayn Mayso Qoraalka Rasmiga Ahi Waa Qoraalkiisii Hore Ee Uu Kaga Hadlayey Inuu La Kulmay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Oo Aanu Ka Wada Hadalnay Sidii Aanu U Xoojin Lahayn Labadayada Wadan!!!!, Yadoo Ingiriisku Ka Caawiyo Somaliland Dhinaca Ciidamadda!!!!!.
Soomaalidu Waxay Ku Maah Maahdaa Booraan Hadimo Ha Qodin, Haddii Aad
Qodidna Ha Dheerayn, Ku Dhici Doonteena Mooyi!!!!!!!!!!!.
Soomaaliya Muddo 58 Sano Ah Ayey Somaliland La Doonaysay Inay Ka Dhigaan Ummad Aan Jirin, Ama Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Ama Maamul Aan Awood U Yeelan Karin Inay Caalamka Ay Xidhiidh La Samaystaan!!!!!!!.
Doqontu Toban Kun Oo Indhood Ayey Leedahay!!!!!, 9999 Indhood Waxay Ku Eegtaa Sokeeyaha!!!!, Hal ILna Waxay Ku Eegtaa Cadoowgeeda!!!!!!, Maamulka Taagta Daran Ee Soomaaliya Waxaa U Meel Maray Oo Ay Isla Cajabeen Ergaygii Qaramadda Midoobay Ee Ay Eryeen!!!, Ee Qaramadda Midoobay Iyo Wadamadda Reer Galbeedku Ay U Daadinayaan Soomaaliya Dabino Miinaysan Oo Ay Mar Labaad Madaxa La Galaan!!!!!.
Waxaa Qasriga Ex- Villa Somalia Ama Villa Uganda Kulan Deg Deg Ah Isugu Yimi Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Cabdullaahi Farmaajo, Raysal Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Khayre, Wasiirka Arrimaha Dibadda Waxayna Ka Wada Hadleen Waa Maxay Sababta Xoghayaha Difaaca Ingiriisku Isagoo Aan Ogolaansho Ka Haysan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inuu Maamul Goboleedka Somaliland Uu Ka Dego???????!!!!!!!, Oo Weliba Xoghayaha Difaaca Ingiriisku Yidhaahdo Waxaynu Sii Xoojinaynaa Xidhiidhka Labadeena Wadan!!!!!,
Madaxwayne Farmaajo Wuxuu Soo Jeediyey In Xidhiidhka Loo Jaro Wadanka Ingiriiska!!!!!, Raysal Wasaare Khayrena In Dacwad Ashkato Ah Laga Gudbiyo Xoghayaha Difaaca Ingiriiska !!!!!!!!, Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Soomaaliya Loo Yeedho!!!!!, Wasiirka Arrimaha Dibaduna Wuxuu Yidhi Waa Inaan Arrintaas Lagu Deg Degin!!!!, Oo Dib Loo Yara Dhigo!!!!!.
Maamulka Muqdisho Waxaad Moodaa Inuu Gabalkiisii Sii Dhacayo!!!!, Oo Cuqubaddii Iyo Shirqooladdii Ay Somaliland U Maleegayeen Inay Ku Qar-Qarxayso!!!!!!.
Insha Allaah Wakhti Aan Inaga Fogayn Waxaynu Arki Doonaa Somaliland Oo La Aqoonsaday!!!!!, Oo Ciidamo Nabad ILaalina Oo Lagu Qiyaaso Shan Kun Ay U Direen Wadanka Soomaaliya!!!!!, Somaliland Oo Ay U Soo Kala Dheeraynayaan Wadamadda Muslimka, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga, Wadamadda Afrika, Iyo Qaramadda Midoobay Sidii Ay Safaaraddo Caalamiya Uga Furan Lahaayeen, Wixii Horumar Iyo Dib U Dhiska Wadankana Ay Qayb Wayn Ka Gaysan Lahaayeen!!!!!!.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker