Daawo:-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Kasoo Yeedhay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland.

Hargaysa-(OWN)- Somaliland ayaa ka jawaabtay eedaha ka dhanka ah Somaliland ee ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in Somaliland ku soo xadgudubtay Puntland.

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa saxaafadda u sheegay in aanay madaxweynaha cusub ka filayn in uu qaado jidka madaxweynihii ka horeeyay laakiin, ay u arkaan in uu dariiqii qoladii ka horaysay maray.

Waxa kale oo uu sheegay in ay la yaaban yihiin Dr Cali Ciise Cabdi wixii ka qabsaday Puntland taasna ay muujinayso in reer leeyahay Puntland. Cali Ciise oo gobolka Sool ka soo jeeda ayaa doorashada Puntland ka helay hal cod oo la sheegay in ay siisay haweenay ay isku degaan ka soo jeedaan waxaana si weyn loo hadal hayay in uu doorashada ku guulaysan doono waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa marka la eegayo,

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker