Daawo:-Golaha Guurtida Somaliland Oo Fadhi Deg Deg Ah La Iskugu Yeedhay.

Hargaysa-(OWN)-Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdirisaaq Aadan Beegsi ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu isugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn oo goluhu yeelan doono maalinta Sabtida ee soo socota. Waxa uu iftiimiyay in fadhigaasi yahay jawaabta warqad ka timi madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa golaha soo gaadhsiiyay warqad uu ku waydiisanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan goleyaasha baarlamaanka iyo degaanka oo aan la ogayn goorta ay dhici doonto maaddaama guddida doorashadu sheegtay in aanay qaban karayn horraanta sanadkan. Dhawaan waxa uu xisbiga WADDANI sheegay in ay xukumaddu ku hawlan tahay sidii muddo laba sanno ah loogu kordhin lahaa.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker