War-Deg Deg Ah:-Madaxweynaha cusub Ee Maamulka Puntland Oo Lagu Dhawaaqay.

Garoowe-(OWN)-Kadib doorasho saacado socotay oo ka dhacday magaalada Garowe, waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Doorashadan ayaa la isla gaaray wareega seddexaad ee doorashada waxaana ku  tartamay Saciid Cabdullaahi Deni  iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Labada Musharax ayaa kala helay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35  iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi oo helay 31

Sidaas ayaa waxaa lagu shaaciyay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland shanta sano ee soo socoto.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 21 Musharax ayaa waxaa kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa musharixiinta loogu hadal heynta badnaa doorashada.

Natiijada sawirka SACIID DANI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker