Garoowe:- Wareegga Koowaad Ee Doorashada Madaxweynaha Puntland Oo Billaabantay.

Garoowe-(OWN)-Waxaa si rasmi ah u billaabmay doorashada madaxweynaha Puntland, xildhibaanada ayaa hadda billaabay inay u codeeyaan musharraxiinta u taagan xilka  madaxweyne.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay 66 xildhibaan oo u ka koobanyahay Baarlamaanka inay ku suganyihiin xarunta golaha.

21 musharrax ayaa ku tartamaya jagada madaxweynaha,waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka haya ee Cabdiweli Gaas,iyadoo mid mid looga saxiixay warqad caddeynaysa inay ku qancayaan natiijadda doorashada.
Xildhibaannada ayaa si qarsoodi ah codkoodda u dhiibannaya.
Saddex musharrax oo ah kuwa ugu codadka badan ayaa ka soo gudbaya wareegga koowaad,sida guddiga laga soo xigtay.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay,ma jiro wax dhaqdhaqaaq ah oo ka socda magaalada Garoowe.
Puntland oo dhisan 20 sanno, waxaa isha lagu haya natiijadda doorashada ka socota oo la sugayo inay ku soo baxaan madaxweynaha cusub ee shanta sanno ee soo socota iyo madaxweyne ku-xigeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker