Maxaad Ka Ogtahay Sababta Ay Hawada Uga Maqan Tahay Idaacadii Weynayd Ee Qaranku.

Kadib Cabsho Muddo Dheer Soo Jiitamaysay Oo Dadwaynaha Reer Somaliland Ku Doonayeen Sidii Idaacad Dalka Oo Dhan Wada Gaadha Loo Heli Lahaa ,Waxa Madaxweynihii Hore Ee Jsl Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo Kolkii Uu Talada Dalka Qabtay  Ku Guulaystay Inuu Idaacadaasi dalka usoo iibiyo.,Taasi oo  Kolkii La Rakibayba Noqotay, Mid Ay Dadweynuhu Soo Dhoweeyaan,Farxad Gelisa Isla Markaana Ku Bogaadiyaan Maamulkii Markaasi Talada Dalka  Hayay.

Hadaba Idaacadaasi Inay Dabooshay Baahidii Bulshada Somaliland U Qabeen Xogta Dalkooga Iyo Dadkooga  Kana Haqab Tirtay. Ka Sokow Waxa Jirtay Inay Dhiig Bax Dhaqaale Ku Keentay Xukuumaddii Kolkaasi Talada Haysay,Taasi Oo Ka Dhalatay Xagga Shidaalka Mishiinada Shidaya Idaacadaasi,Oo Xaddiga Shidaalka Ay Maalin Kasta U Baahataa Noqonayay  Ilaa 600 Oo Littir Oo Shidaal Ah,Taasi Oo Ay Weliba Dheer Tahay,Baahida Shidaalka Gaadiidka Madaxda Wasaarada Iyo Kuwa Kale Hawlaha Wasaarada Lagu Qabto,Iyo Sidoo Kale Dadka U Imaanaya Madaxda Ee Dabcan Doonaya In Shidaal La Siiyo.

Cel Celis Ahaan Shidaalka Maalintii Ka Baxa Wasaarrada Warfaafinta Ayaa Dhammaa 950 Littir Oo Shidaal Isugu Jira Patrol Iyo Naafto.

Xukuumaddii Xiligaasi Kolkii Ay Hadaba Derseen Saamaynta Dhibaato Ee Shidaalka Wasaaraddu Ku Yeelan Karo Dhaqaalaha Dalka,Waxay Go,Aansadeen In Si Dhibaatdaasi Loo Khafiifiyo,Ay Dawladda Imaaraatka Carabta Ka Dalbadaan,Sidii Ay Somalilnd Uga Caawin Lahaayeen,Qalabka Dabka Dhaliya Ee Sollerka,

Dawladda Imaaraatku Iyadoo Ka Jawaabayasa Dalabkaasi Waxay  Ku Deeqday Qalabkaasi Sollarka Oo Awooddiisa La Sheegay Inay Dabooli Karto Baahida Korontada Guud Ahaan Degsiimooyinka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa.

Xukuumaddii Hore Ee Axmed Maxamed Siilaanyo Waxay Xilka Wareejisay Qalabkaasi Oo Dhammays Tiran Oo Ay U Dhan Yihiin  Qalabkii Kaydinta Dabka Oo Aad Muhiim Ugu Ahaa Idaacadda ,Isla Markaana Ka Furanaya Xukuumadda Cusub Kharashkii  Shidaalka Xad Dhaafka Ah Ee Ay  Isticmaali Jirtay Idaacadda Weyni.

Hadaba Mudooyinkan Danbe Waxa Soo Baxayay Hadal Hayn Ku Saabsan In Idaacadii Weynayd Ee Guud Ahaan Dalka Gaadhaysay Fadhido,Mudona Ay Hawada Ka Maqan Tahay,Taasi Oo Kolba Cilado Ku Yimi Idaacada Madaxda Wasaaradu Ku Sheegi Jireen.

Waxa Hadaba La Yaab Leh,Xaqiiqooyinka Soo Baxayaana Muujinayaan In Aanay Jirin Haba Yaraatee Cilado Ku Yimiday Idaacada  Balse Sababaha  Dhabta Ahee ay  Hawada Uga Maqan Tahay Ay Tahay,Kadib Markii Qalabkii Kaydiyaha DabkaOo La Socday Sollarka  Dalkana Ay Ku Caawiyeen Dawladda Imaaraatka Carabta,Kaasi Oo Ingineeradu Ku Tilmaameen Inuu Qiimihiisu Gaadhayo Midkiiba 150kun Oo Dollar, Xubno Ka Mid Ah Maamul Hoosaadka Wasaaraddu Ka Iibiyeen,Mid Ka Mid Ah Shirkadaha Korontoda Ee Magaalada Hargaysa.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Lagama Maarmaan Ah In Hantidhowrka Qaranka Oo  La Aamin San Yahay Inay Ku Fashilmeen Waajibaadkoodii Qaran,Iyo Hay,adaha Kale Ee ku Lugta Lehi Fadhiga Ka Kacaan  Daba Gal Iyo Baadhisna Ku Sameeyaan Xatooyadaasi Qaranka Loo Geystay.

Sharcigana la hor geeyo cidii falkaasi ku kacday.

Cabdi cige xaad….berbera

 

toosiye24 channel

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker