Filanwaa sheeko Jacayl Qaybtii 13aad W/Q:Yaasiin Xasan…

Maxamed oo talo ayaa ku cadaatay, isla markaana ka xun sida ay wax udhaceen ayaa gurigoodi ku soo laabtay, dhalin yaradii xaafada oo ay maal mahan kala baadeen ayuu cabaar la caweysimay, kadibna wuu iska seexday.

Deeqa habeenkaas waxay magaalada u raacday, gabadh ay saaxiibo ahaayeen oo u socotay foto Alfa, sidoo kalana Idaacada waraaqo tahniyad dhalasho ah uwaday, laakin way ku soo daaheen.

 

Markii ay deeqa guriga timid, ayay horay ka wacday lambarkii Maxamed si ay ugu sheegto inay caawa magaalada ku maqnayd, balse telfoonku wuu iska dhacayay, dhowr jeer ayay ku celcelisay, nasiib xumo lagama qabanin.

Deeqa way shakiday, waxayba istiri maadaama aad magaalada ku soo daahday, ma lagayaaba Maxamed inuu kaa xanaaqay, marna waxay iska dhaadhicisay wiilal guriga jooga oo dadk telfoonka soo waca ku cayaara, inay caawa dhibeen, dhawr jeer ayay ku celcelisay markay quusatay oo dani urun sheegtay ayay iska seexatay hurdo aanay xiiso u hayn.

 

Deeqa, aad ayay ugu hanwaynayd inay is helaan Maxamed, waliba waxay danaynaysay arrintii uu galabta ka dhawaajiyay.

8:00 subaxnimo ayuu Maxamed Xafiiska Shirkada ku kalahay, isaga oo doonaya inuu ku adkeeyo fariintii xalay, si maanta galinka horeTelfoonka loogu hagaajiyo, nasiib wanaag wax yar kadib laba nin oo shaqaalaha shirkada kamida ayaa lasoo raaciyay, ilbidhiqsiyaba way hagaajiyeen Telfoonkii ciladaysnaa,Maxamed mar kaasu garaacitaan ku bilaabay lambarkii Deeqa.

Deeqa oo huraday ayaa ku kacday dhawaqa Telfoonka dhacayaa oo qabatay, salaan kadib, Deeqa waxay waydiisay wixii xalay dhacay?

Maxamed siwanaagsan ayuu ugu sharxay sidii ay wax u dhaceen, sidoo kale wuxuu ka raali galiyay cilada farsmo ee ku timid Telfoonka laynlaynka ah, Deeqa lafteeda oo yaabanayd isla markaana ka baqaysay in daalac loo raacdoo, ayaa ku faraxday markay ogaaday in ayna wax dhibi xageeda ka jirin, kaddibna sheeko mudo saadacada qaadatay ayay Telfoonka ku wada hadleen, gaba gabadiina waxaa laysku afgartay inay caawa fiidkii ay kulmaan, si ay arrimo khaasa uga wada hadlaan, waxaana lagu balamay 7:00 Fiidnimo.

 

Balse wax yar kadib ayay Deeqa telfoonkii ku soo celisay Maxamed, waxayna u sheegtay in gurigii ay habenkii hore ku kulmeen in caawa lajoogo, sidaa darteed waxay Maxamed ka codsatay inuu 6:00 PM yimaado si wakhtigaa gaaban u kala war qaadaan, wixi jirana uga wada hadlaan, waxay intaa u raacisay inuu wakhtiga ilaaliyo iskuna soo beego xiligaas si ay uga faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah.

 

Maxamed waxa ka go’an inuu sidhaba wax ugu sheego caawa, isla markaana shaaca ka qaado waxa uu damacsanyahay oo ah inay xidhiidh gaara wada yeeshaan labadoodu.

 

Deeqa laflaydu waxay rajaynaysa inay waxbadani isbadali doonaan, lagana gudbi doonoo sheekadan walaaltinimada ku salaysan, waxay aaminsantahay in lajoogo xili ku haboon in ay aragto waxa maankeeda ka dhaxguuxaya.

Shaki kuma jiro inay Deeqa siwayn ula dhacsan tahay barashada Maxamed, waxaana durba saldhig ku meelgaara qalbigeeda ka dhigtay damac iyo dareen jacayl.

 

Xiligii balanta markii la gaadhay Maxamed intuu labistay ayuu horay ka aaday xaafada Dhagax jabis oo ah halka uu ku yaalo guriga lagu balansanaa, Deeqa oo ganjeelka aqalka ku diyaara ayuu tagay, soo dhawayn iyo salaan kadib, qol guriga kamida oo siwanaagsan loo siihabeeyay ayay galeen, sheeko badan wakhti looma hayo, ujeedadii kulanka caawa iyo Maxamed oo shalay iyo maantaba ka dhawaajiyay inuu wax cusub hayo ayaa hadalkii ku bilaabay.

 

Intaa ha inoo joogto, lasoco qaybaha dambe…..

W/Q: Yaasiin Xasan

Yaasiinxm114@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker