Kulanka Madaxwayne Muuse Biixi iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Ethiopia iyo Aragti ahaan sida uu iigu muuqdo.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 21-12-2018 waxa magaalo ganacsiyeedka Wajaale ee xuduudka Ethiopia iyo Somaliland ku kulmay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Ethiopia Mustafa cagjar.

Kulankani Somaliland meeqaamka siyaasada iyo diblomasiyada marka la eego waa mid aan u qalmeyn xaqiiqatan qaran ahaan , iyo Madaxwayne ahaan Maamuuskiisuba , hase ahaatee waxa aan is leeyahay sadex arin uun baa kalifay ama dabada ka riixaya oo kala ah kulankani labada Madaxwayne wajaale isku arkeen oo kala ah;

▪in Madaxwayne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu ay salaan uga sii dhiganayso dawlad deegaanka somalida Ethiopia dawlada federalka ah ee Ethiopia iyo xukuumada uu hogaamiyo raisal wasaare Abiy Ahmed oo aanay hore ugu suuragalin in ay kulmaan Somaliland oo ah dal muhiim ka ah mandaqada.

▪Qodobka labaad oo ah in ganacsatada reer Somaliland dabada ka riixaysay si ay uga faaiideystaan siyaasada ganacsi iyo maalgashi ee furfuran, ee uu la yimi Raisal wasaaraha Ethiopia oo fursad u ah ganacsatada reer Somaliland, maadaama ganacsatada Ethiopia ba ay Somaliland ku leeyhiin ama keenaan wax badan oo Ethiopia ka yimaada oo leh adeeg iyo badeecadaba, sida jaadka, sibidhka, khudaarta iyo iskuulo, jaamacado, cusbitalo iwm.

▪Muhiimada sadexaad ee uu leeyahay kulankani oo ah iskaashiga amaanka iyo kawada shaqeyntiisa maadaama oo ay labada dalba ku yaalaan mandaqad dagaalo badani ka socdaan oo cadawyo badan ay jiraan gobolka geeska Africa.

Si kastaba ha ahaato e kulankani waxa uu u muuqday mid aad looga soo shaqeeyay oo dhinaca Ethiopia lafteeda aad moodeysay in lagu soo canaantay hadal ay Somaliland hore ugu sheegeen in cadawgoodu iska soo abaabulayo oo ay raaligalin ka bixiyeen dawlad deegaanka somalida Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee maadaama aan la kala maarmin dadka Somaliland iyo kuwa dawlad deegaanka somalida Ethiopia ay yihiin dad qudha oo isku abtirsiin iyo isir ah kulankani waxa la rajeynayaa in uu noqdo mid wax weyn iyo horumar keeni kara oo intii hore aad la isaga soo dhawaado.

Aragtidii iyo qalinkii

Muhamed Dhimbiil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker