Wax ka Baro Doorashooyinkii JSL ka qabsoomay 25-kii sano ee la soo dhaafay iyo Dimuqraadiyada curdinka ah ee JSL. qalinkii A/ fidhinle UK

  Aas Aaskii Jamhuuriyada Somalilaan  :
Somalilaan waxaa lagu aas aasay Magaalada Burco Taariikhdii 18 May 1991
Qaabka Dawladnimo ee Somalilaan: Waa Dimuqraadi curdin ah oo leh Laamihii fulinta, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen la doortay 5 tii sanadoodba mar.
Waaxda Xeer Dejininta :  Waxay ka kooban tahay Golaha Guurtida oo 82 xubnood ah iyo Golaha Baarlamaanka oo 82 xubnood ah kuwaas oo la soo doorto labada goleba. Labada Gole ee xeer dejintu  waa xubno ka wakiila shacabkii soo doortay.Golaha Barlamaanka  waxaa la doortaa 5-tii sanadoodba mar, halka  Golaha Guurtida la soo doorto 6-dii  sanadoodba mar. Waaxda Garsoorka : Waaxda garsoorka ayaa ka kooban Maxkamadaha iyo xeer  ilaalinta , Maxkamada Dastuuriga ah ama maxkamada sare ayaa ah Hayada ugu sareysa Garsoorka Somalilaan.
                                                         Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay  25 -kii Sanadood ee la soo dhaafay:
1-  Doorashadii shirbeeleedka  ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay  Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib  iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne  loo doortay oo ku guuleystay  marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa  waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba.
2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira.
-Taariikhdu markau aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee  gooni isu taaga Somalilaan la qaaday,  shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1%  waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya.
3- 15 December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye.
4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed  Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 %  Ahmed  Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo
5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen  sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan.
6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay  33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % .
7–  15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye.
8– Doorashada madaxtooyada ee dhacaday  13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah  4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah  ” umaan tanaasulin Muse biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo”

Juquraafi ahaan JSL waxay dhacdaa : Geeska Afrika waxaana ay xuduudo la leedahay sadex wadan oo kala ah Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Qaab dhismeedka JSL wuxuu ka kooban yahay Gobolo iyo Degmooyin : JSL waxay ka kooban tahay 6 Gobol oo Darjada A ah iyo 8 Gobol oo Darajada Bah oo isku darkoodu noqonayo 14 Gobol. Degmooyinka ay ka kooban yihiin Gobolada Somalilaan waa 100 Degmo oo isgu jira 55 Degmo oo Darajooyinka A ilaa D ah iyo 45 Degmo oo ah Degmooyin ku meel gaadh ah maadaama aanay weli  buuxin shuruudihii isku filnaashaha  degmanimo ku waas oo Darajadoodu ay weli ka hooseyso Darajada D. Caasimada Somalilaan: Waa Hargeisa waxaana ku nool shacab gaadhaaya ilaa 1.3 Million qof oo  dhalinyaro u badan.Shacabka JSL waxaa lagu qiyaasaa 4 Million .
Baaxada Dhulka ama bogcada  barakeysan ee ay Jamhuuriyadda Somalilaan ku fadhido ayaa cabirkeedu yahay ilaa iyo  167,120 km2.
Xeebaha Jamhuuriyada Somalilaan ayaa cabirkoodu  gaadhaa  870 Km. Lacagta Somalilaan waa Somalilaan shilling.JSL waxay leedahay Calan iyo astaan u gaar ah.
Luqadaha  shacabka reer Somalilaan ku hadlaan ayaa kala  ah : luqda koowaad Somaali, luqada labaad waa  Carabiga  iyo luqada sadexaad oo  ingiriisi ah .
JSL waxay leedahay Dekedo  iyo Xarumo Ganacsi  : Dekeda ugu weyni Somalilaan waa Dekeda Berbera oo dhacda Gacanka cadmeed , xarunta ganacsiga ugu weyni waa Suuqa Wajaale oo dhaca xadka itoobiya, Badeecadaha dhoofinta ugu badani waa : Xoolaha nool oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’,  macdano kala duwan  iyo xabagta oo fooxu  ugu badan yahay.
Somalilaan waa dawlad isku tashatay oo leh dal, dad iyo dan qudha. Geedi socodka Doorashooyinka Somalilaan ee  25-kii sanadood ee la soo dhaafay soo socday waxaa laysku raacay in 18 – kii biloodba ay Doorasho ama Diiwaan gelini dhacdo. Hadaba sanadka soo cocdana  ee 2019 ka ayaa  la filyaa in ay dhacaan Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Baarlamaanka iyo Goleyaasha Degaanka oo mudadoodii  dhaafay.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker