“Lax qawracani geedna kama baydho” Walee Abagadhe nafta ciirsi mooday ayaan la yaabay maanta. Qalinkii Mubaarak Abdirahman Boos.

Image may contain: 1 person, smiling

“Lax qawracani geedna kama baydho”
Walee Abagadhe nafta ciirsi mooday ayaan la yaabay maanta.

Bal horta waxyar aan kuu iftiimiyo, Waynu ognahay in Ethiopia uu xukumo Abey Ahmed, Waana nin Orom ah, Eithoipiana xilal badan ka soo qabtey.
Hadaba bal aan kula wadaago fikirka uu aamin san yahay Abey Ahmed siyaasadiisa waxa saldhig u ah wax uu u bixiyey “Controversial ethnic federalism” oo ah in dadku is dhexgalaan wadan keliyana ay noqdaan xuduudaha laysku furo dadka la kala garan waayo wadankay kasoo jeedeen markoodii hore. Fikirkani maaha mid imika bilaamay ee waa mid uu ka dhaxley taariikh hore qalbigiisana raadweyn ku yeelatey, Waana mid ay ku fekeri jireen Nidaamkii hantiwanaagii Ruushku. Nidaamkaasi markaa wuxuu doonayey in laysku daro Yemen, Somalia iyo Ethiopia. Abey Ahmed na waaka imika iskaga dabqaadaya Somalia, Eleteriya iyo Ethiopia sidii ay u noqon

Qofka caqliga lahi wuu garnayaa Abagadhayaashaa maanta yimi Hargeisa cida dabada ka riixaysa in ay tahay siyaasad isku xidhan oo laga soo maleegay Adisaba.

Guntii iyo Gabagabadii, waxaanu leenahay qolooyinkan Oromo la galkaa wadanka dhib haw horseedina ee luqunta kor u qaada, dhinaca kale ee siyaasada arimaha debeduna kuma koobna Ethiopia madaxdeeda ila hadli wayday markaa waxaa iiga ergeynaya Abagadhe, waar waxaanu ku leenahay “Ardulaahi waa Sic”
Hadaad Reer Galbeedka fahmi waydo Dee ruushkaba gacanta u dhiib.

Qalinkii Aqoonyahan Mubaarak Abdirahman Boos.

Natiijada sawirka wafti oromo ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker