Xiisad Cakiran Oo Ka Dhex Qaraxday Dalalka China iyo Cannada

Waxaa sare usii kaceysa xiisada u dhaxeysa dalalka China iyo Canada kadib markii ay booliiska Canada todobaadkii hore xidheen haweenayda maalqabeenka ah ee Meng Wanzhou oo ka tirsan mulkiilayaasha shirkada weyn ee Huawei oo laga leeyahay China.

Meng Wanzhou ayaa waxaa dhalay  ninka aasaasay shirkada weyn ee Huawei ee wadanka China, waxayna hada tahay Madaxa Maaliyada ee shirkadaasi ayaa waxaa dacwad kusoo oogay dowlada Maraykanka oo ka codsatay Canada in loo soo gacan geliyo.

Kiiska haweenaydan ayaa weli horyaal maxkamada Canada oo maalin kahor damiin 7 milyan oo dollar ah kusii deysay Ms. Meng Wanzhou. Maraykanka ayaa ku eedeeyey shirkada Huawei inay jabisay xayiraadii saarneyd dalka Iran iyagoo ganacsi qarsoodi ah la-lahaa xukuumada Tehran.

Dowlada China oo horey u cambaareysay xariga haweenaydan u dhalatay dalkooda, ayaa dhankoodana xabsiga dhigay Michael Kovrig oo ah diblumaasi hore oo u dhashay Canada kaasi oo hada la shaqeeya hay’ada International Crisis Group.

Michael Kovrig ayaa la sheegay inuu hawlo shaqo uu u joogay dalka China. Waxaa maanta oo Khamiis ah soo baxaya xog kale oo sheegaysa inay dowlada China xabsiga dhigtay muwaadin labaad oo u dhashay dalka Canada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker