Somaliland Ma Qabyaalad-diid mise Qabiil-u-dood.by Maxamed jeex yoonis

Qoraalkan akhri haddii aad tahay qof maskax furan, fikirkiisa xor u ah, awoodna aad u leedahay in waxa ay hadda kula tahay aad wax ka beddeli karto haddii lagu soo hor dhigo dood maanqaal ah oo xisaab kugu taabsiisa xaqiiqada kajirta dalka JSL.

Waxaan rabaa in aan si deggan isula dhiraandhirinno buuqa ku furan nidaamka awood qaysiga dalka SL Buuqaasi waa qabyaalad diid, caddaalad doon ah oo u daneynaya danta guud iyo somalilandnimada ama waa buuq dadka wadaa ay doonayaan qabyaalad horseedi karta sadbursi oo ay iyaga wax ugu kordhayaan sida beesha Isaaq lana hubin in ay shaqeyn karto.

Waxaan rabaa in aan isla cabbirno arrinkaas mudada dheer ka tagnaa saami qaybsiga dalka JSL oo ay reerka isaaq kaligood ay isku kubeen kuraasta dalka ugu sareysa.

Anigu waxaan qabaa nidaamka in aanuu ahayn caddaalad, sidaa darteedna ay tahay in looga gudbo nidaam caddaalad ku dhisan oo ay dadku u siman yihiin oo ah qof iyo cod. Waa sida Dastuurku qabo laakiin dowladda hadda jirtaa ma ka dhabeyn kartaa in qabaa,ilka waaweyn ee degan JSL ay helaan xaqoogii ka maqnaa?

Waxaa soo baxay dad diiddan oo u dhashay gobolka Awdal oo leh somaliland waa nidaam qabiili ah oo aan marnaba suurta galeyn in sidaas lagu galo doorasho.

Taas waxaa macnaheedu yahay degmooyin aan dadkooda la tirin waa in si siman kuraasta  loogu qeybsado dhamaan dalka somaliland.

Dadka qaar waxay u qabaan dadka diiddani in ay yihiin dad qabiil diid ah, qaar kalena waxay u qabaan in ay iyagu wadaan qabyaalad weliba caddaalad darro ku saleysan taas oo ah reerkeygu waa in uu ka kuraas badnaadaa reeraha kale sida isaaqu ay doonayaan.

Labada midda ay tahay sidee lagu garan karaa? Halbeeg lagu kala ogaado ma la heli karaa? Sidaasi darteed somaliland  iney kuraasta u qaybsadaan labo 50/50 isaaq iyo no isaaq taas ayaa imika xalka ugu dhow.

Jawaabtu waa ay sahlan tahay. Waxaa lagu ogaan karaa in la hubiyo qofka diiddan in reerkiisu uu ka kuraas badnaanayo reeraha ay hadda isku kuraasta yihiin haddii degmo la aado iyo in kale.

Anigu siyaasiga aan reerkiisa kuraastu u badaneyn haddii laga guuro, haddana diida  ayaan u arkaa in uu yahay mid qabyaalad-diid ah. Midka ay reerkiisa kuraastu ugu badaneyso diidmada waxaan u arkaa qof u doodaya xaq uu u arko in uu reerkiisa ka maqan yahay sida beelaha Gadabuurssi oo ay ka maqanyihiin  kuraas aad u farabadan.

Siyaasigii doorbidaa xor ayuu u yahay in uu beeshiisa xuquuqdeeda u raadiyo. Laakiin waxaan jeclaan lahaa laba in uu sameeyo. Marka hore in aanuu iska dhigin qof qabyaalad-diid ah ee uu sheegto in uu qabiilkiisa xaq u raaadinayo. Marka labaad in uu danta guud ka fekero oo is weydiiyo hal su’aal: Sideen u aqbalsiin doonaa qabaa’ilka aan damacsan ahay in aan ka kuraas bato aniga oo aan tirokoob ku helin?

Aqbalaadda qabaa’ilka aan wax u kordheyn waa muhiim si aanay wadajirkeenna iyo Dowladnimadeennu u wiiqmin waa inaan ilaashanaa wada jirkeena JSL.

Siyaasiinta beelaha isaaqna waa iney fahmaan in ay haystaan sadbursi aad u badan taasina waxay wax yeeleyneysaa qaranka JSL si taas looga badbaado waa iney isaaqu marka hore runta isku sheegaan kuraastana baneeyaan tussaana reerahooga iney haystaan kuraas xad dhaaf ah.

Maxamed jeex yoonis

By Maxamed-1970@hotmail.com

Borama somaliland..

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker