Wasiirka Qorsheynta Somaliland Cawaale Ibraahin Shirwac, Masuul Dardar-gelin iyo Horu-socod ku sameeyey Wasaaradiisa…!!!

Iyadoo bulshada inteeda badani, aanay si toosa ula socon Waxqabadka Wasaarada qorsheynta qaranka, maadaama oo hawl-qabadka Wasaaradu yahay ili-ma-qabatayn, ayaa haddana Waxa jira Waxqabad iyo miisaan leh, oo ay fulisay Wasaarada qorsheynta Qaranka Somaliland sannaadkan sii galbanaya ku talaabsatay.
Kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi usoo xulay Wasaarada Qorsheynta masuuliyiin aqoonyahano dhalinyaro ah. Waxana hoggaan Wasaaradda qorsheynta uu dhiibay Wasiir aqoonyahan, khabiirku ah arrimaha qorsheynta ama jaan-geynta, kaasoo ah Wasiir Cawaale Ibraahin Shirwac.
Haddaba waxqabadka iyo hawl-socod-siinta Wasiir Cawaale kusoo kordhiyey Wasaarada Qorsheynta, runtii kuma soo koob mayaan maqaal iyo laba toona, balse waxaynu qaybteenan kusoo qaadan-doonaa hordhac.
Waxay wasaaraddu diyaarisay siyaasadda iskudubaridka deeqaha (Aid Coordinion Policy) oo loogu talo galay in lagu hago deeqaha yimaada Somaliland.
Waxay wasaaraddu si joogta ah u diiwaangelisaa dhamaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Somaliland.
Waxay wasaaraddu diyaarisay siyaasadda qiimaynta iyo dabagalka Somaliland oo hadafkeedu yahay ogaanshaha waxtarka mashaariicda lagu fuliyo.
La soco qaybaha dambe.
Farxan Cali Xasan 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker