MD MADAXWEYNE DHIBATOYINKA AFEEYEY W.WAXBARASHA SOMALILAND WAA 10 KAN ARIMOOD. W/Q CABDI CAWIYE

Waxaa xaqiiq oo sida dayaxa u cad in SOMALILAND waxbarshadeedii halkii ugu hoosaysay marayso iyadoo dugsiyadii dawladu ay qaarkood maryaan in ay iskoodba isku xidhaan markii cid ardey keensanaysa la waayey.

Su’aashu waxay tahay maxaa loo tegi waayey oo waalidiintu caruurtooda u gayn waayeen?

Jawaabtu waa waxay ka waayeen tacliin uu ilamhoodu barto waayo nidaamkii waxbarshada ayaan gabi ahaanba jirin.

  1. BAHDA DABAGALKA DUGSIYADA IYO NIDAAMKA WAXBARASHADA U XIL SAARAN.

Waxa laf-dhuun gashay Ku noqotag oo ragaadisay tacliinta SOMALILAND gabi ahaanba  hawwadeenada wasaarada waxbarshadu qaarkood gaar ahaan bahda loo xil saaray dabagalka iyo kormeerka waxbarshada.

inkastoo dugsiyada gaarka ahi ka nidaam iyo waxbarshaba fiicanyihiin dadkiina ay u noqdeen isha kaliya eey ay ku badbaadeen xaga waxbarshada.

Bal hadda aynu dhawr tusaale oo Ku saabsan kormeerka wasaarada waxbarashada aan iftiimiyo

B).  Marka la arko macalim daalay oo da, hayso ama bukaan socod ah ama in badan maamulayasha dugsiyadu ka cawdeen oo khaatiyaan ka dhigay ayaa la yidhaahdaa waarKORMEERKA INAGAGA DARA waa xaqiiq biyo kama dhibcaana oo qofkasta oo bahda waxbarshada Ku jiraa uu ogyahay.

  1. T) . Marka kormeerka loo diro dugsi ma tagaan ilaa inta bishu bilanayso waxayna ku beegaan mar lacagta ardeyda laga ururinaayo ma galaan fassalada ma eegaan in ardeydan wax loo dhigay iyo in kale ma eegaan in uu macalimkani sito cashar diyaarin iyo in kale (lesson preparation) sida ay u socdaan waxay u tagaan maamulaha dugsiga oo aad laysku bartay waxaana la yidhaahdaa maanta maxaad haysaa isaguna isagoo dhoola cadaynaaya ayuu u dhiibaa wixii uu karaayo.

Kormeerka oo kaliyana maaha waxa sidaa sameeya waa badi masuuliyiinta ka hawl gala wasaarada ee Ku qoran dabagalka iyo nidaamka dugsiyada.

Kormeerka IYO hawl wadeenada wasaarada badankooda  inta ugu badan waxaad Ku arkeysaa maqaayada wasaarada horteeda waqti kasta ma jiro nin wax baadhaya ma jiro mid wax usoo faaiideynaaya barayaasha ma jiro mid fikir cusub soo wada mid waliba wuxuu Ku sugayaa qadada.

Xalkeeduna waa in la tayeeyo oo intii daashay loo qoro mushaharkooda oo la nasiyo, Laguna badalodad aqoon u leh supervisionka iyo hanaanka togan ee nidaamka waxbarshada.

2). Agabka waxbarshada oo lagu tagri falo lana lunsado

Ma jiro dugsi dawladeed oo agab waxbarasho la geeyey oo sidii uu ahaa ardeydii loogu bandhigo. Waxa heshiiya maamulka dugsiga iyo qaarka mida wasaarada masuuliyiinteeda.

Alaabta la keeno waxbarshada toddobaadka dambe waxaad Ku arkaysaa iyadoo suuqa kaaryoone ama Masaajidka CALI MATAAN hortiisa lagu xaraashayo.

Qisso aan usoo joogay Intii aan Hemma lagu wareejin buugaagta iibkooda  ayaan buugaag maadada carabida ah oo 200  buuga ayey dad meel hargeysa ka baxsan oo dugsi gaara furaayey igu yidhaahdeen meesha CALI MATAAN la yidhaa nooga soo iibi buugaagta carabidaee Manjahka Somaliland ee fasalada intaa iyo intaa.

Waxaan goor subaxa oo khamiisa u jarmaaday goobtii buugaagta lagu hayey markii aan u tegey ninmankii buugaagta iibinaayey oo niman reer koonfur ah ahaa ayaan Ku idhi buugaagta carabida ee fasaladaa ma haysaa.

Wuxuu iigu jawaabay ” haa aboowe waan hayaa meeqa aa rabtaa”.

Waxaan Ku idhi ilaa 200 oo xabbo.

Wuxuu igu yidhi ” Maanta kuuma wadda heli karaayo lkn Berri alaseeyda waad iga heli”.

Anigoo halkii taagan ayuu Nin kale Ku yidhi ” waraa hebel orodoo la hadal kii wasaarada yaqaanay.”

Aadbaan ula yaabay ereyada ninkaasi yidhi. Waxaan Ku idhi walaal oo wasaaradu maxay ahayd lala hadlaayo miyaad i xidhaysaa!!!!.

Wuxuu iigu jawaabay “may buug ayaan kasoo qaadaynaa”. Macnaha inaad ila fahanteen ayaa is moodsiinayaa.

Aaaax aadbuu jidhku ii dubaaxiyey oo aan uga dhiidhiyey sida loo galaayo asadkii iyo hantidii ubadka reer Somaliland wax cabasho ahna kama aan gudbin waayo xiligaa dawladu waxay ahayd la carar wixii aad qaadi karo.

Anigoo qisooyin aan u soo taagnaa 15 sanno ee aan macalinka ahaa sida qisadii dugsiga Gaandi iyo booqashii wasiir SAMSAM iyo ardeydii oo ka cabanaysa agab la’aan iyo sidii indhaha loogu mariyey alaabtii loo qoondeeyey dugsiga oo kuwii la socday ay yidhaahdeen Mudane wasiir alaabtii dugsiga waanagii u qoondaynay lkn wali looma soo rarin hadda 2 bilood ka hor ayaa sidii la ii xaqiijiyey ayaa maalinba shay lagu qayili jirey oo la iibin jirey waana marag madoon.

Dadkii falalkaa Ku kacay cirka may tegine imikaba waa hawlwadeeno waxbarsho oo ka tirsan MOE.

Aadbaan idiin fogeeyey oo idiin dham’iyee sheekadaa awgeede aan kusoo noqdo mawduucii aan ka hadlaayey.

Waxaan odhan karnaa meesha u baahan in la saxo waxaa kow ka ah kormeerka waa in laga dhigaa kormeerka dugsiyada dhalinyaro firficoon oo tababar iyo aqoonba u leh kormeerka iyo hanaanka wax dhigista iyo daba galka ardeyga.

  1. guddoomiyayaasha waxbarashada iyo xaalkooda

 

La soco 8 qaybood ee dambe maqaalada dambe

Qalinkii iyo diyaarintii

Cabdi Cawiye

Phone: 063 4115877 telesom

Shaywaal12@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker