Dala’siga Garsoorka Somaliland: Ma Xaajo Ugub Ahbaa Mise Waa Curad? W/Q Siciid Gahayr

In badan ayaan hore u ogaa dhacdooyin lid ku ah garsoorka Somaliland oo ay ku kacaan ciidanka boolisku. Waxa se arrintaas hadalkeeda kor u qaaday falkii ka dhacay magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar. Garsoorku waxa ay sheegeen xeerdumin ay ku kaceen ciidanka boolisku, sidoo kale duqa magaalada ayaa si badheedh ah ugu xadgudbay awooddii golaha garsoorka Somaliland.

Qof ahaan iguma cusba gabboodfalka lidka ku ah garsoorka ee ay ku kacaan ciidanka boolisku, waxaana jirtay dhacdo qof ahaantayda igu dhacday oo aan u sii xidhnaa 31 cisho oo kale, waa tan iyada oo faahfaahsan.

15kii Oktoobar 2016ka, subax Sabti ah ayaa la i keenay maxkamadda. Waxa arooryadaas la xidhay jidadka soo gala maxkamadda oo lagu jaray dhir iyo dhagax. Sidii loo ilaalin jiray dhagar-qabayaasha ayaa la iila macaamilay. In heegan buuxda la galana waxa sabab u ahaa dawladda oo il gaar igula socotay, wadne-gariir laga qabo dadka dhinacayga ka socda ee buuxdhaafiya maxkamadda iyo warbaahinta oo ah hubka kowaad ee u hiiliya dhibbaneyaasha la duudsiyo.

Judhii aan maxkamadda soo galay ayaa la igu jeebbeeyay shabagga hoolka Rafcaanka, iyada oo aan la ii oggolaannin in aan fadhiisto xero-guusha (xarunta maxaabiistu ay ku sugaan dhegaysiga dacwadda). Gudaha hoolka ayaa la iigu keenay quraacdii, dadkana waa loo diiday in aanu war iyo weedh is-weydaarsanno. Nin dil geystay oo katiinadda igula xidhnaa waxa la fadhiisiyay bannaanka. Kaayagee kiis adkaa?

Albaabka dhismaha aan ku jiro iyo gudihiisaba waxa ku darbanaa askar kaalin weyn ka qaadanaysa cadaadiska iyo cabudhinta la igu hayo. Inkasta oo ay dacwaddu ahayd mid furan, haddana dadka qaarkood waxa laga celiyay dibadda oo bannaanka ayaa lagu hor joogsaday. Aniga oo og in dad badani duleedka tuman yihiin ayaa uu Taliyihii Saldhigga Dhexe ee Hargeysa Maxamed-Case uu lahaa “Albaabbada waanu wada furnay, cid soo gashana waanu weynay”. Wuxuu ninkani moogyahay tamarta aan ku bixin jiray in madasha la iga soo giijiyo.

Waxa la dhegaystay gebagebadii ay soo gudbiyeen qareennada iyo xeer-ilaalintu, iyada oo maxkamaddu go’aamisay in labaatan daqiiqo loo nasto ku dhawaaqidda xukunkayga. Qof ahaan waxa aan farxay markii la i odhan waayay “Maxaad codsanaysaa?”, oo ah su’aal inta badan la weydiiyo dadka la filayo in garsoorku xukun ku rido. Halkii ay dadku shaaha iyo cabbitaanka dibadda ugu baxeen, anigu waxa aan u jaqaafiyay dhinaca baytal-mayga/tuushka si aan u maydho. Kolkii la isu soo noqday ayaa ay gudaha soo buux-dhaafiyeen bulshadii kadinka laga joogsaday, madal ay ilyartu is-qabatay ayaa xukunkii loogu sara-kacay!

Garsoore Khaalid Cabdi Shiil isaga oo tixraacay eedda la ii soo jeediyay ee xeer-ilaalinta, xogihii maragyadu bixiyeen, difaacaygii iyo dooddii qareennada ayaa waxa uu sheegay in aan caddayn loo heli karin eedaha la ii jeediyay oo ahaa kuwo jaban. Sidoo kale waxa uu sheegay in maragyadu aanay caddayn ku filan u helin been-abuurka la ii xambaariyay. Ugu dambayntiina waxa uu go’aamiyay in xorriyadda la ii soo celiyo.

Xeer-ilaaliye Farxaan Mire Cismaan oo bisad ka yaraaday ayaa yidhi “Rafcaan baanu ka qaadannay”. Garsoore Khaalid Cabdi Shiilna waxa uu yidhi “Xitaa haddii aad rafcaan ka qaadateen, waa in hadda la sii daayo. Ka fura katiinnada, waxa lagu soo xidhayaa waaran ay maxkamadda rafcaanku u goyso. Fadhiguna wuu xidhan yahay”. Waxa ayaan-darro ah in aan dheg loo dhigin go’aankii maxkamadda, waxaana af-duub igu kexeeyay ciidankii booliska ee tacaddiga kaalinta weyn ku lahaa. Aniga oo laba-dibleysan ayaa la igu celiyay xabsigii aan ku xeraysnaa. “Fura katiinadda, idin raaci mayo” ayaan askarta ku idhi “Warqad soo-deyn ah ayuu Taliyuhu kuu qorayaa, ina mari” ayay igu dhagreen

Ninkayga sidaas loo qafaashay ayay ciidanka boolisku dooni jireen in loo xukumo, loona dhaadhciyo. Sannadkii 2017ka oo la xidhay Guddoomiyaha Dhallinyarada WADDANI Maxamed Siddiiq Dhamme iyo Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis waxa aan sii saadaalin jiray in xitaa rafcaan laga qaadan doono haddii la sii daayo, sidaasna ay maxaabiis ku sii ahaan doonaan.

Garsoorka Somaliland waxa la gudboon in ay gaashaanka u daruuraan cidda doonaysa in ay ka dhigaan adeegeyaal u xuurtaysan ee soohdintooda ku soo xadgudbaysa. Haddii aanay ka dhiidhi waayaanna waxa arrinku noqonayaa sida uu maanta sheegay Xoghayaha Guud ee Ururuka Qareennada Somaliland Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed Mandeella.

Sharcigu waa ka dadka kala saara. Haddii ii sarreyn waayo, waxa dhacaysa in qof kastaaba yeelo sida uu doono.

Siciid Maxamuud Gahayr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker