Maxaa Ka khaldan Hoggaanka Xisbiyada?

Marka hore waxa aan qiranyaa in aanan ahayn siyaasi. Marka labaadna in aanan aad u akhriyin xeerarka xisbiyada iyo dastuurka dalka midna. Anigoo ka duulaya inta garadkaygu i siiyayay iyo inta aan ka bowsaday dalalka ku dhaqma dimuraadiyadda aynu dooranay, waxa ii muuqatay in aynu isku khaladno Hogaamiya Xisbi iyo Murashax Jago Mdaxweynenimo.

Haddii aan tusaale usoo qaato waddanka maraykanka ee aynu ka canjillo dimuraadiyadda, hoggaamiyeyaasha xisbiyadu waa dad xubno ka ah goleyaasha lasoo doortatay (majoirty leader or minority leader). Marka tartan yimaado ayaa xisbi waliba keena murashaxiisa, ama ka soo qaato golyaasha la doortay ama meel kale e. Marka doorashadu dhammato, tartamyaashhii xisbiyadii shuqul danbe kuma yeeshaan talda xisbiga. Tusaale ahaan, Donald Trump iyo Hillary Cilinton midkoodna ma aha hogaamiyaha xibiyada manta midana waa madaxweyne dalkoo dhan matala midina waa muwaadinad caadiya.

Sidoo kale, miyaanay haboonayn in hoggamiyeyasha xisbiyadeenu noqdaan xubno ka mid ah xildhibaanda dadku soo doorteen. Waxa aay ila tahay in raggii tartamay ee kala calaf qaaday ay faraha kala baxaan talada xisbiyada (ama ha nodo madaxweyne ama raggii la tartamay). Marka doorashada danbe soo dhawaato ayuu mar kale xisbi waliba soo dooranayaa murashaxiisa. Waxa aad moodaa in ay xisbadu u habaysan yihiin sidii jabhadaha oo weli gole dhexe, gole fulneed, guddoomiye aanay cidi dooranini awooda boobeen. Waa shacabku ay dhegeystaan dadkii ay soo doorteen oo qudha. Waxa ummadii jaha wareeriyay dad maalin walba meel ka dhawaqaya oo cidna matalin. Xubnaha goleyaasha baarlamanku ha gartaan shaqadooda ha u hadlaan iyagu dadweynihii soo doortay ama ha dhaliilaan ama ha taageeraan xukuumadda e.

Wadamada kale sida Canada, Britain iyo Australia hoggamiyaasha xisbiyadaa ayaa ku tartama jagada Ra’iisal wasaaraha. Kuwa waayana waa la beddelaa ama mar labaad ba la soo celiyaa.

 

Haddii khalad ku jiro fikradaydan, waa la I sixi karaa.

 

Dr. Aden Ismail

Adisimail52@yahoo.ca

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker