LA HAYSTAYAASHII DHANKA AFKA IYO CILMIGA

Aadamaha alle uumey, wuxuu leeyahay kala duwanansho dhinacyada afka iyo hababka nololeedkooda iyo waliba xadaarada cilmi iyo dhaqan, allena wuu ku kala duway, dhinaca Khibrada iyo cilmiga, balse maanta oo aduunku iska noqday iska kob kaliya oo waxaa ka africa barigeeda jooga iyo ka jooga waqooyiga ameerika, isku si wax u baran karaan una horumarin karaan, deegaankooda iyo cilmiga ay ku soo barbaareen ama kan dhaqan ee ay hore u aaminsaneyeen.
Hadaba somalidu meelkasta oo ay joogto waxay noqotay, la haystayaashii dhinaca afka iyo cilmiga, sidiisaba cilmigu waa wax kaliyaa ee aadamuhu ku gaadho horumar baaxaad leh, isla markasina u keena hayaanka dhabta ah, marka la baranayno u baahan in la bud dhigo , oo la darso isla markasina la unko hababka ku cusub aadamaha iyo noolayaasha idilkooda loogana faaiideysto qaabab kala duwan curiyeyaasha ku keydsan koonkan iyo qaababka cilmiga ah, ee maalinba mid cusubi soo baxayo.
Afka , afku wuxuu yahay wax kaliya ee aadamaha wada nooli isku fahmaan, isla markasina isku afgartaan in markastaba ay si fudud isula jaan qaadi karaan, afafku sidoodaba waxay leeyihiin kuwa caalami ah, iyo kuwa aan ahayn isla markasina ay adeegsadaan inta wadan ama gobol kamid ah, wadan u gaar ah.
Afafka caalamiga ah, afafka caalamiga ah waxaa ugu horeya oo hada kaalinta koobaad ku jira luuqada englishta , sidoo kalena waxaa kaalinta labaad ku jirta luuqada carabiga ,waxana saddexeya luuqada franche iyo tan china oo ah , wadan aad u tiro badan isla markasina, kor u kaca bulsho iyo dhaqaaleba hada meel aad u sareysa marayo .
Hadaba aduunku aragtida luuqada wuu ku kala duwan yahay, wadama badan oo africa ah, waxa laga adeegsada luuqadaha english ta iyo franche ga , iyo waliba luuqada carabiga oo iyaduna wadama badan xoog ku leh, sidee ayay qaarkood u adeegsadan luuqada , waxay ka dhigtan mid ku hadal iyo cilmi , halka kuwa kale ka dhigtaan mid cilmi balse aaney u adeegsan xaga hadalka,
Wadamada badnaa ka dhigta luuqada aan tooda ahayn, dhanka cilmiga badnaa waxaa ku dhaca , fahan daro aad u weyn oo xagga cilmiga bulshada iyo aqoonta techlonogy -da ah,taasina waxay ku sababtaa in aanu wadankasi ama gobolkasi ku adkaato xaga kor u kaca iyo ka qayb qaadashada horumarada aduunka ka socda.
Wayo waxay bud dhig u ah, is fahandaro dhanka luuqada iyo cilmiga ah, waana ta keenta isku turjumidaa luuqada iyo cilmiga in la adeegsado , balse taasinaa wax midho ah, ma yeelato wayo qofka turjumaya waa mid wax ku soo bartaay wadan dibadeed isla markasina ay ku adagtahay in qaab dhaqan ugu fasilo oo ay fahmi karaan bulshadasi .

Tusaale noolnaa waxaaa inoogu filan, marka aynu ka eegno dhinac xisaabta. Sheekadii wakhtigii afsomaliga iyo cilmiga la balaadhineyey dhex martay, macalinka iyo ardaaydii reer miyiga ahayd ee, (bar ama baro ), ninka macalinka ah, ayaa wuxuu dooneyey in uu fahansiiyo tiro isu geyn ah, tasi oo ahayd, tusaale hadaynu u soo qaadano 7-4=,  , 7 riyaad , wuxuuna yidhi ‘’ haddiiba ay todaba riyaad kugu jiraan xerada isla markasina aad afar riyaad ka soo saarto xerada imisa riyood ayaaa kugu hadhay, kadibna mid ka mid ayuu weydiiyey markasi ayuu ugu jawaabey iga walee, riyo ayaan ka aqaanoo haddiiba mid kamid ah, dibada loo soo saaro , midhba kuma hadhayo xerada ,
Halkasi waxa ka cadaneysa in is fahan daradu ay ka timi dhanka sharaxada iyo cilmiga deegaanka oo aad u kala fogaa , wuxuuna ninka reer miyi ga ahi , adeegsaday cilmi deegan, halka uu islahaa ninka baraha ahi, cilmi deegaan wax ugu sheeg, balse nasiib daro da dhacday ay tahay in aanu aqoonbaa u lahayn, wax uu adeegsaday iyo qaab dhaqankooda, taasina ay keentay in jawaab qosol iyo maadsi loo arki karo laga bixiyey balse ay ku qotonto waaqiciga iyo adeegsigiisa khaldan.
Hadaba afafku sidoodaba waxay sameyn togan ku yeelan karaan, dhanka cilmiga , wadamada somalidana waxay mihiim u ah, in ay luuqadooda ka dhigtay luuqad cilmi iyo ku hadal sida wadamada horumarey, filand , turki ethopia ,wadamo kale oo badanba , dhamaaantood waxay cilmi ku helaan dhanka luuqadooda waana wadamo horumar gaadhey, haba kala duwanadeene, wadanka filand wuxuu sanadkasta hogaamiyaa dhanka cilmiga ee calamiga ah, ama tartamada caalamiga ah, sababtoo ah, wuxuu marka hore dhisay luuqadiisa iyo cilmigeeda marka xigtana wuxuu yeeshay luuqad labaad oo ah, tan englishta isla markasina ardayda wuxuu u kala jabiyaa laba qaybood kuwa luuqada wadankoodaa wax ku barta iyo kuwa tan caalamiga ah , wax ku barta , waana halka ay ka soo bixi karaan siyaasiga iyo cilmi badhayaasha kale , halka luuqada wadankooda iyo ka soo bixi karaan wadaniyiin iyo sharci yaqaano xoogbadan isla markasina udub u noqda cilmiga iyo xadaarada wadankooda .
Hadaba wadankeena somaliland wuxuu leeyahay 2 luuqadooda oo distuuri ah, balse dhalinyaro badani ma taqaan, loomana sheegin xataa cid hadal haysaba lama sheegin, tusaalena waxaa inoogu filan :-    qodobka 6 aad , ee distuurka qaranka somaliland oo tilmaam cad siinaya, luuqada labaad ee qaranka, sidasi oo ay tahay hadana dhanka cilmiga iyo adeegsiga waxaa kaga badan oo xataa luuqada koobaad ee qaranka beeniyey waa luuqada english ta , oo distuurku meelnaa aanu ku cayimin, balse kaliya adeegsi u dayey hadiiba looga maarmi wayo.
Hadaba aqoonyahanka iyo xeedheerayaasha dhanka cilmiga iyo dawladaba ,waxan kula talin lahaa in ay qarankan u yagleelaan hanan ka duwan kan uu hada ku sugan yahay oo dhanka adeegsiga iyo cilmiga ah, si loo heli karo, isku turjun dhab ah, iyo fahan guud oo laga helo xaga cilmiga iyo horumarka xadaaradaha aduunka ee horumarey.
Wiilkeena ama gabadheena aynu maalinkasta cilmiga america iyo england yaal u dhigayno, kama suuroobeyso in ay jeclaadan wadankooda sababtoo ah, dhaqanka halkasi yaal ayay la jaanqaadeysaa oo ay u arkeysaa xadaarad iyo horumar , wayo inaga ayaa taasi ogolaaney.

Qore:- Sirmohamud hussein mohamed ‘’ Awliyo ‘’
E-mail: Mohoud.amin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker