Hantaaqada loo geystay Hantida ummada (Hargeisa Women’s club) Hooyo Haweeya Cabdi Mooge (IHUN)
Bahda Mareegaha Farshaan
Diisember, 2018
Qaybtii 1aad.
Calankaan dhadhaabaha u koray,dhib iyo haydaarta
Calankaan la dhaygagay wixii,dhiilla igu gaadhay
Calankaan dhaqaalaha naftiyo,dhuuni uga giigay
Dhalanteed ninkii moodayow,waan ka dhiidhiyaye
Dhagarteenna kala daa adoo, nabadda dhawrayoo
Maansadii “Waan ka dhiidhiyey”Abwaan Xasan Cilmi Diiriye
“Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo hantida guud waa waajib saaran dawladda iyo muwaadiniinta, waxyeelada loo geystana xeerka ayaa lagaga abaal marinayaa”
QODOBKA 15aad –FIRQADIISA 1aad ee
Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliland–HANTIDA GUUD –
Waa arooryo hore ay maalintu tahay Sabti, laga soo soo gudbey Jimce jiif-jiif. Qof waliba hawl maalmeedkii u taalay ayuu u diyaar garoobay inuu ku foofo. Taariikhdu waxay ku beegan tahay bishii Oktoober 17dii, ee gu’gii 2015kii.
Waxay aheyd maalin la xuso koox si gaar ah dalkan Soomaaliland naf iyo maalba ugu huray. Waa mujaahidiintii SNM. Xukuumada xilligan dalka ka talinaysay ayaa in badan salaanka siyaasada ku soo fuushay in ay tayada dhaqaale ee mujaahidiinta daryeel fiican ka geysan doonaan.Hase yeeshee halkii laga filayey inay taa wax ka taraan ayey dumin iyo dhul balaadhsi ku hawlanaayeen. Waa maan guracan iyo hawlgalkiis.!!!!
Xafiiska wasaarada waxbarashada ayaa maalintan isku diyaarinaya qorshe malaasan oo fulintiisa loo soo dhiibay. Xilka ka tirsanaanshaha xukuumada KULMIYE ayaa kala weyn burburinta hantida ummada iyo sooyaalka bulshada ku abtirsata dalka Soomaaliland.Xafiiska waxaa ka socda dhaqdhaqaaq badan.Waxaad moodaa in hawlgalkani yahay kii dalka Soomaaliland dib ugu aayi lahaa gu’yaasha soo socda markaad eegto sida laysku xulanayo iyo sida laysku qalabeynayo.
Waxaa la xulayaa koox uu hogaamiye ka noqdo wasiirka waxbarashada ee xilligaa oo ahaa mudane Faarax Cilmi Geedoole. Waxaana xilkan loo soo magacaabey bishii Maarso 15, 2015 markii ay dhacdey isku shaandheyntii (sidoo kale loo yaqaan: khalkhalkii siyaasadeed) xukuumadii Axmed Maxamed Siilaayo. Shaqaalaha wasaarada waxbarashada ayaa u hawlgaley inay diyaariyaan kooxdii galbin laheyd wasiirkan socdaalka burburinta hantida ummada u heelan.
Muddo gaaban ka dib ayey kooxdan oo aad moodo wajiyadoodoodana laga dareemayo didsanaan ay gaadheen Dugsiga Dhaqaalaha Hooyooyinka ee Xaaji Haweeya ( old Hargeisa Women’s Club) .
“Dugsiga maanta wixii ka danbeeya waxaa lagu samaynayaa dayactir” ayaa ku soo dhacdey dhagaha maamulaha dugsiga dhaqaalaha haweenka ee Xaaji Haweeya. Ardey ku dhaw ilaa 2000(Laba Kun oo ardey) ayaa aroortan u dhaqaaqdey inay waxbarasho ka soo korodhsadaan dugsigii Dhaqaalaha Haweenka ee Xaaji Haweeya. Waxaa goobtaa joogay macalimiin badan oo qaarkood ku hawlgalayeen tabaruc muddo aad u dheerayd. Ardeydii waxay galeen fasaladii, halka ay macalimiintiina bilaabeen wax dhigistii.
Si lama filaan ah waxaa albaabka dugsiga dalaq u soo yidhi wafdi xoogan oo uu hogaaminayo wasiirkii waxbarashada ee Soomaaliland mudane Faarax Cilmi Geedoole. Indhaha macalimiinta qaar, iyo maamulaha ayaa ku dhacey wafdiga balaadhan ee sida kadiska ah ku yimid dugsiga.
Kolba si loo dhig. Waa maalintii mujaahidiinta oo dalkaa waxqabad dheeraad laga muujinayaa; Wasaaradii waxbarashada ayaa ugu danbeyn indhaheedu qabteen dugsigan oo macalimiintaa mushaharka ama gunada loo kordhinayaa; mayanee dugsigaa dhaqaale daro la luudayaa ayaa Hay’adi wax u soo marisay wasaaradii waxbarashada ee hagrashada lagu yaqaaney oo kamaradaha ayey isku dhigayaan; Mayanee Madaxweyne Siilaanyo ayaa is canaantey oo boodhka iska duulinaya kol haddey shantiisii sanno gabogabo tahay; Mayanee ololihii doorashadaa soo dhaw oo dalka iyo dadkaa wax la sii gashanayaa, hooyooyinka ayaana laga bilaabayaa; mayanee waa goodirkii barigii Hargeysa yimid sheekadiisii oo kaloo dawladaa is feydaysa; kolba dhan loo qaad, si kale loo jiid, si kale loo dhig; meel ay sal dhigto oo lagu taago naftu diiday!.
Beribaa Goodir is lama filaan ah Hargeysa u yimid oo reer ka soocdey. Reerkaasi ri’ ka mid ah riyaha ay lahaayeen ayuu suntadey oo quudin iyo ilaalinba iskugu darey. Dadkii waxay ku noqotay yaab iyo amakaag. Hase yeeshee dadkii waayeelka ahaa ayaa si qurux badan uga hadley arintaa oo ka dhiibtey fikirkooga. Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay) oo ka mid ahaa dadkii ka dhiibtey fikirkooga dhacdadii Goodirka ee Hargeysa aya alaga hayaa inuu yidhi:
Gorgoryahow lugteenuna hal gariirtay maahee
Gudcur raacda socotiyo, waa guura bahallayn
Dhulku waa gabaahiir, giriyaadna wuu hadhay
Weli guurku waa bixid, giddi habar-dugaag baa
Goonyaha ka ciyayoo, mas gurguuranaayiyo
Good baa shanqadhayee, wadnuhu yaanu galow odhan
Nafta gaajo yay qaban, gowdiidsi kolay tahay
Gama’ iyo hurdana daa, nabarkaa gunaadka ah
Ceebaha ku gaaxdiyo, eel gudaha jiifiyo
Laxowgaa garaacayaa, halkuu gow ka leeyahay
Dhibka jeeroo la guro, gaaroodin maynee
Haloo geliyo dambaskuu, guntayoo haddana furay
Socdaalkan wasiirka iyo kooxdan heelan ee dugsi aaney booqan, il naxariis leh waligeed ku eegin,aan tirada ugu jirin ayaa macalimiintii iyo bulshadii ka ag dhaweydba fifkirkooda ka dhiibteen. Sheekadaa u eekaatey taxanahaa berri hore la soo maray. Sidaasaaa keentay in dhinacyo badan loo qaado kooxdan wafdiga ah ee isdaba guurayaa uuna hogaaminayo wasiirka Faarax Geedoole.
Tallo la soo qorsheeyey, indho adeyga iyo dhac loo badheedhayo ayuu wasiirkii is yidhi maldah, waxaanu hadalkiisii ku bilaabey, weedho u dhawaa: ” Dugsigan dawlada Xukummada Axmed Maxamed Siilaanyo waxay go’aansatey inay ku samayso dayactir iyo dibu habeyn, ayna galiso dhaqaale buuran”
Maamulihii dugsiga iyo macalimiintii ka ag dhaweyd ayaa maankoogu meel uu tusayey loo nuuriyey. Waxaaney ku soo dhaweeyeen hadalkaa farxad iyo rayn rayn. inkastoo aad ka dareemaysay inaaney si niyad ah hadalkaa u soo dhaweyn ee uu wajigooda ka muuqdey dareen waji-gabax ah. Waayo dawladaan looga baran inay danta ummada u adeegto, inay ka adeegato mooyee.
Waji-gabaxa ka muuqdey wajiyada maamulkii iyo macalimiintii wuxuu rumoomay markey dhagahooda ku soo dhacdey weedha ah: “Maantaa u danbeysa inuu sii furnaado dugsigani oo dayactir lagu samaynayo ayaa isla berito bilaabmaya”.
Markuu wasiir Geedoole sidaa lahaa waad dareemaysay inaanu isaga laftigiisu ku qanacsaneyn in kalmadaas beenta ahi ay afkiisa ka soo baxdo, hase yeeshee kol haddii uu mushaharkiisii u socdo wuu u odhanayey sidii loogu soo dhiibay.
Mar kaliya ayaa sawaxan iyo waydiimo dhex mushaaxeen maankii maamulihii iyo macalimiintii.
1- Oo ardeyda hooyooyinka ah ee halkan wax ku baranaya sidee la odhanayaa?
2- Shaqaalaha sidee loogu jihaynayaa?
3- Ma Dugsi kale ayaa lo soo qorsheeyay?
Kuwaasi waxay ahaayeen waydiimo aan looba soo feedhan. Wasiir Faarax Geedoole ayaa hawl u diyaarsaneyd hirgaelinteedii guda galey.
Hawshii loo igmadey markey gudagalkeeda bilaabeen ayaa sawaxan iyo buuq la isla oogsadey.Dadweynihii agagaarka dugsigaa ka dhawaa ayaa ku soo siay, taageerana la garab istaagey. Mid ka mid ah macalimiintii halkaa joogtay ayaa laga hayaa inuu yidhi:
“ Waxaanu nahay macalimiintii mudawaciinta aheyd ee dugsiga joogay, dhengad ayaa lanagaga soo saarey”..
Sidoo kale ayaa dadweynihii ka ag dhawaa ee halkaa yimid markii cod baahiyaha lala dhex marey uu odhaahdan ku dhawaaqey:
“Waxaa la soo qaadey weerar dadkii ku jiray iyo haweenkii wax ku baraneyba waa la burburiyey oo cagtaa la mariyey, askarna meesha waa la keenay” ayuu yidhi mid ah dadweynihii halkaa joogay.
Meel u baahneyd ilaalin, dayactir, taakuleyn ayey cagaf iyo askar u adeegsadeen. Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame”Hadraawi” oo dhacdada sidaa iyo u dhacda ka aramaya ayaa yidhi:
Danna way wadaagtaa
Duddadaa u kala rogan
Mana kala dab qaataan
Dadab baa ku kala xidhan
Kala durugsanaantiyo
Digadana nin baa shiday
Dawaduu ku huriyaa
Rag inay ku damiyaan
Dannigoodu farayaa
Gaas bay ku darayaan
Meel daad u baahnayd”
Maansadii Debedyaal, Abwaan Maxamed Ibraahin Hadraawi
Ciidamadii loo soo diyaariyey burburinta dugsigaa ayaa ku bilaabey dhengad ardeydii, macalimiintii iyo dadkii ka soo ag dhawaadey. Goobtii waxbarasho ayaa isku badhashey goob dumis, garaacis, buuq, sawaxan, kala danbeyn la’aan iwm ay hadheeyeen. Sidaa waxaa ku fuley qorshihiii la soo maleegay oo taariikhdii dhameyd ee bulshada reer Soomaaliland lagu dabargoynayey.
Dugsigu wuxuu xambaarsanaa taariikh dhan, hooyo Haweeya iyo saygeedii Dr-Jadami waxay in badan oo noloshoodii ku qaateen inay kobciyaan aqoonta haweenka Soomaaliland. Gurigaad maanta tagto waxaa jooga ama ay garanayaan hooyo aqoonteeda ku qaatey dugsigaa oo ku bilaabmey magaca Somaliland Women’s Club, iskuna gediyey muddo ka dib “Women’s education Center”, ka dibna lagu galadey hooyadii in badan oo nolosheeda ah u hurtay inuu dugsigaasi midho dhal noqdo. Waxaana dadkii ogaa siduu ku bilaabmey ee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (IHUN) iyo wasiirkii markaa wasaarada waxbarashada ee mudane Axmed Yuusuf Ducaale ku caleemo saareen dugsigaasi inuu ku hanoqaado “Dugsiga Dhaqaalaha Haweenka ee Xaaji Haweeya”.
Bulshada Soomaaliland ayaa ka dareen murugo leh oo taban ku soo dhaweysay falkaasi arxandarada ahaa ee si badheedh ah loogu geystay hantidii bulshada reer Soomaaliland iyo sooyaalkii dalka Soomaaliland. Waa uur ku taalo aan waligeed hadheyn in dal sidaa u dhaqmaa uu horumar hiigsado. Waxaa waxbarasho seegay haween badan oo bulshada ka mid ah. Horaana loo yidhi “Guri waa haeen”. Dad aan taariikh laheyn, qadarin taariikhdoodu halkey gaadhi karaan!!!
Bulshadii ka dareen celisay waxaa ka mid ahaa Sheekh Aadan Xaaji (Aadan Siiro) oo yidhi “ Taariikhdii ummadaa sidaa loo duminayaa inagoo wada nool oo goobjoog ah”……
Sidoo kale ayey dadkaa damqadey ka mid aheyd mudane Faadumo Siciid oo tidhi: “Marka maanta meeshii yarayd ee haweenku iskugu imanayeen ee wax ku baranayeen ee ay ku mededaalanayeen ee Women’s club-kii, dawladdii dhammayd ee Somaliland iibisay markay wax walba soo cuntay ee wax walba soo dhammaysay ee meel kale oo ay hujuunto wayday, markay hoygii yaraa ee haweenka ee Women’s Club-ka u soo fadhiisatay ay Iibisay maxaa Somaliland u hadhsan”
Mudane Faadumo Siciid oo hadalka sii wadata ayaa tidhi: “Waxaan la hadlayaa dumarka wasiirada ah ee ku jira dawladdan mustaqbal la’aanta inagu riday, Marwada koobaad ayaan la hadlayaa, waxaan idin leeyahay xageed dumarkayagii dhigteen, xageed magacayagii iyo sharaftayadii maanta dhigteen, markaad hantidii dumarka iibiseen ee Women’s clubk-kii iibiseen maxaa ku xiga eenu idinka filnaa.”
Damqashadu waxay u taalaa bulshada reer Soomaaliland, dawlada Muuse Biixina waxaa hor taala inuu gefkaasi sida ugu quruxda badan u saxo.
Waxaa naxdin leh in Xaaji Haweeya iyo Eng, Cali Jirde oo jaarnimo fiican ka dhexeysay intay ifka ku noolaayeen, iminkana loo soo jiidayo fal aan wanaagsaneyn. Illaahay labadaba ha u naxariisto.
Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegtay inay hantida ummada diiwaan galinayaan, ilaalinayaana. Eng Maxamed Xaashi oo dardaaaran siinayey ayaa yidhi:
“Hantidan Umadda ee la yidhi hala diiwaangaliyo waa shay loo baahan yahay, kolkaa Dawaan-galinta illaa waxa ku jiraysa Xaruntii Women’s Clubka ee la dumiyay oo ka mid ah waxyaabaha aan ka filayno in la soo Celiyo”.
Aan ku soo afmeero dhacdadan xanuunka badan hal tusaale oo ka warameysa aaminimadii Eng.Cali Jirde. Laba injineer ayuu ingiriisku u diray inay laba dhisme soo kala dhisaan. Labadaa mid wuxuu ahaa Eng.Cali Jirde .Waxaa labadaa qof gacanta laga saarey lacagtii la qiimeeyey ee ku baxeysay labadaa dhisme.
Waxaa la yaab leh laheyd in mid uu la soo noqdey sheegista in lacagtii geftey oo wax dhinmeen, halka Cali Jirde(IHUN) uu dhismihi oo sidii loogu talogaley uu u dhisey, lehna tayadii laga rabey uu lacagtiina badh soo celiyey. Hogaankii hawlaha guud oo dhalasho ahaan ahaa Ingiriis ayaa u gartey in sidaa uu Eng.Cali Jirde ku noqdo ku xigeenka hawlaha guud, noqdana injineerka kaliya ee la ogol yahay fulinta dhismaha danaha guud. Daacadnimadii Eng.Cali Jirde waa tilmaan u taala qof kasta oo hantida ummada lagu aamino.
Insha Allah, waa inoo qoraalada danbe iyo aasaaskii Women’s Club iyo halkey ka soo gashey Xaaji Haweeya Cabdi Mooge…
geediga hayaankuba goor gaaban adigoo guri waaya laga baxay iyo ood aad gurataaba gabalkiina kuu dhacay dhirtaba geed aan la jirin ogoow lama garaacaha go’i waayay inuu jiro
Maansadii Geediga ee Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan Ganay)
Halkan ka akhri Hordhicii:
Hordhac: Hantaaqada loo geystay hantida ummada
Tixraac;
5-https://www.youtube.com/watch?v=OuVzxPJLN9w Hantida la diiwaan galinayo- Wareysi Eng Maxamed Xaashi
6-Wareysiyo xog-ogaal badan oo ay qaadeen Bahda Mareegaha Farshaxan
7-Kaydka Mareegaha Farshaxan
Qalinkii iyo Tifatirkii :
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org..