Riyadii Xalay Runa udhaw. W/Q: Abdirashid Awmue Aadan

Xalay waxaan ku riyooday 4 nin oo isku laynaya Suuqayada Somaliland halkay isku arkaanbana isdilaya. Afarta nin waxaa laygu sheegay magacayadooda #Dimuqraadi#Dhaqan #Qabiil iyo #Sharci (Dastuur).
Ugu horaysay waxaa dood isku bilaabay Mr Qabiil iyo Mr Dimuqraadi, ninkii Dhaqan kolba wuu qayliyaa wuu cadhoodaa cidna waxba kama dhagaysato , Waxaana la isku hayay Waa Talada Dalka iyo Jihada loo wadi doono. dood dheer kadib Feedh iyo Dagaal ayaa bilaabmay meesha waxaa ugu Xoogwayn Ninka la yidhaa #Qabiil .
Ninkii #Sharci oo lagu naanayso Dastuur oo shaw isagu ah nin yara oo Caata ah oo itaal badan lahayn oo xaga dambe taagnaa ayaa la isla jiidhay markasuu dhulka Galay oo dhawr meelood ka jabay dhakhtarkana sidaa lagu dhigay.
Waxaa isku soo hadhay Sedex dii kale oo mid waliba Doonayo Gacan ku haynta wadanka. dad Badan oo Reer Somaliland ah ayaa isku Dayay Inay kala qabtaan oo ay qaboojiyaan xaalada waanay utaag iyo maara waayeen.

waxaan Toosay iyadoo maraysay ninkii Dimuqraadi oo indhuhu Casaadeen Marka horena Qurbaha Ayuu ka yimi. Kii dhaqan ahaa oo yaaban Nabaro Badana Soo gaadheen iyo Qabiil oo Budhwayn Sita. Waxaan filyaa inay walina isjafayaan cid kala qabataana ayna muuqan. Xataa Culimo badan ayaa wacdi La dulistaagay oo dhag loo jalaqsiin waayay, sharciislamiya ku akhriyay maleh. Bal adba .

W/Q: Abdirashid Muse Aadan .(rashaad055@hotmail.com)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker