Maxaa kajira Siyaasi Cali-baashe Inuu Koonfurta Sanaag Kaqorayo Ciidan Ladagaallama Jabhadda Col-Caarre

 

 

Ceerigaabo(OWN) Muddooyinkan waxa bulshada Sanaag qaarkeed dhexdeeda kajirtey hadal-haynta kusaabsan in Siyaasiga Cali X Maxamuud Shire (Cali-baashe) oo kasoo jeeda koonfurta Sanaag islamarkaasna kamid ah siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye sidoo kalena ay si dhow gacansaar u leeyihiin Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu beeshiisa ka qorayo ciidan-beeleed dawladduna u qaramayso ujeeddada loo abuurayo ciidankaasna ay tahay inay Jabhadda uu hoggaamiyo Col-Caarre ka hor joogsadaan inaanay degaannada beeshan u adeegsan waddo ay usoo maraan falal lagu waxyeellaynayo Somaliland iyo degaannada gobolka Sanaag.

 

Haddaba siyaasigan (Cali-baashe) oo maanta oo jimce ah saxaafadda qaarkeed ugu warramayey magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay inaanay wax loo dulqaadan karo ahayn in duullimaadyo jabhaddaasi Qardho kasoo qaaddo oo ay soo dhexmarto siina dhexmarto degaannada beeshiisa, balse ay ilaashanayaan degaankooda. Waxana siyaasigan hadalladiisii kamid ahaa

 

“Ayaamahan koox baa jirtey kasoo socotey meel fog oo layidhaahdo Qardho kooxdaasoo ah koox aan loo dhammayne ah koox gaar ah oo dadka deggan gobolka Sanaag kamid ah, gobolka Sanaagna waa gobol la wada leeyahay”.

 

Isagoo hadalkiisa sii watana Siyaasi Cali-baashe wuxu intaas kusii daray “Ururka halkaas kasamaysane hadba Qardho kasoo duulaya ee yimaadda tuulooyinka kalena wax loo dul qaadan karo ma aha nabad & wada hadal in lagu dhammeeyo bayna ku qurux badan tahay ilaa haddeertona waxannu u deyneyney dawladda iyo nimankaasi inay wada hadlaan haddiise taas la waayo suurtagal ma aha intii Qardho lagasoo duulo oo degaanno lasoo maro in meel gobolka Sanaag katirsan la weeraro oo haddana layskagasii shaah cabbo oo lasii maro degaankii lasoo maray taasi suurtagal ma ahee dadku waa ilaashanayaan degaankooda”

 

Dhinaca kalena Siyaasi Cali-baashe oo aannu isku daynay inaannu khadka telefoonka kuweydiinno in hadalkiisaniba u marag furayo hadalhaynta bulshada iyo in kale ayaanay noo suurtagelin kaddib telefoonkiisa gacanta oo markii aannu su’aasha weydiinney aanu jawaabteeda nasiin isagoo yidhi “Ma taasaad Iisoo wacday” kaddibna uu nagu dhigay telefoonkiisa awgeed.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker