Oodweyne News - Latest Somali News Update

Taliyihii Hawl Galinta Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Sarkaal Lagu Badalay.

Hargaysa-(OWN)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa xilkii ka qaadey taliyihii hawl galinta ciidanka Booliska  Cabdiqani Ciise Maygaag ( Ganay  ),  oo xilkan loo magacaabey Bilo ka hor Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 13.11.2017

Image may contain: 2 people

Taliye Fadal ayaa xilkan u magacaabey Masuul hore xilkan  u   hayey kaas oo ah Maxamuud Ducaale isla markaana ahaa  masuulkii  ka horeeyey  taliyahan maanta xilka laga qaadey.