Ku Dhawaad 60% Korontada Dalka Liberia Waa La Xadaa + Sababta.

Dadka ayaa xada ku dhawaad 60% korontada dalka Liberia sannad kaste, iyaga oo si sharci darro ah korontada ugu jiita guryahooda iyo ganacsiyadooda, sida ay ku warran tay shirkadda korontada ee dawladdu leedahay.

Xatooyada ayaa sannad kaste dawladda kaga khasaarta 35 milyan oo doolarka Maraykanka ah, sida ay idaacad u sheegeen masuuliyiin ka tirsan shirkadda korontada ee magaceeda loo soo gaabiyo LEC.

Waa dhac shirkadda loo gaysanayo, ayayna hadalka sii raaciyeen.

Liberia ayaa isku dayaysa in ay dib u dhisto quwadda korontada oo ku burburtay dagaalkii sokeeye ee socday 1989 ilaa 2003-dii.

Dalka Maraykana ayaa dhaqaale iyo farsamaba ku kabaya dalkaa Galbeedka Afrika ku yaalla si uu kor ugu qaaddo awooddiisa dhanka korontada, arrintaas oo qayb ka ah qorshihii uu billaabay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Baracak Obama oo loogu magac daray Quwadda Korontada Afrika kaas oo laagu talagalay in koronto lagu gaadhsiiyo 50 milyan oo ruux oo ku nool dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya.

Illaa iyo hadda dadka ku nool Liberia waxaa koronto ka hela 12%, dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Monrovia-na waxaa koronto ka haysta wax ka yar 20%, waana mid ka mid dalalka ugu koronto liita adduunka oo dhan.

Dawladda ayaa dajisatay qorshe ay 70% koronto ku gaarsiinayso dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Monrovia meesha lagu gaaro 2030.

Monrovia waxaa ku nool dad kor u dhaafaya hal milyan oo ruux.

Wariyaha BBC uga soo warrama Monrovia Jonathan Paye-Layleh ayaa sheegaya in korontada ay xadaan dadka maalqabeenka ah iyo kuwa danyarta ahba. Sababtuna ay tahay in dadku iyagoo raba in ay iska bixiyaan lacagta aysan haddana heli karin adeeggii ay u baahnaayeen.

Arrintaas ayaa sababta in dadku markay arkaan koronto kor maraysa ganacsiyadooda ama guryahooda in ay tallaashaan fiilo si ay koronto u helaan.

Manrovia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker