Daawo:-Jilaa U Dhashay Dalka Mareykanka Oo Bilaabay In Uu Film Ka Sameeyo Dilkii Wariye Jamal Khashoggi.

Istanbul-(OWN)-Jilaaga caanka ah ee ku guuleestay bilada Oscar-ka Sean Penn oo u dhashay Mareykanka ayaa waxaa uu bilaabay in uu Film cusub ka sameeyo dilkii wariye Jamal Khashoggi loogu geestay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Penn, oo ay wehlinayaan rag kale oo la sameynaya Filmkan cusub oo isku ekeysiinaya shaqaalaha qunsuliyada iyo waardiyeyaal ayaa waxaa lagu hortooganayaa afaafka hore ee Qunsuliyada sacuudiga maanta oo Arbaco ah si jilitaan ah.

Sawiro ku saabsan Jilitaankan Filimkaan ayaa waxaa baahisay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Jilaagaan labada mar ku guuleestay bilada Oscar-ka ayaa dhanka kale lagu arkay guriga uu degan yahay qunsulka sacuudiga u jooga magaalada Istanbul.

Jamaal Khashoggi oo wax ku qori Jiray Majalada Washington Post ayaa labadii bishii October waxaa lagu dhexdilay Qunsuliyada sacuudiga ee Magaalada Istanbul.

Muwaadinkan oo u dhashay sacuudiga ayaa marar badan dhaleeceyn u jeediyay boqortooyada waxaana dilkiisa lagu tuhmayaa in uu soo amray dhaxal suge Maxamed bin salmaan.

Khashogi ayaa wali meydkiisa laga baadi goobaya gudaha turkiga inkastoo ciidanka danbi baadhista ay horay u sheegeen suura galnimada in la jarjaray deetana lagu shubay aashito ama aysiidh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker