Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUWAADINKEENA IYO MUWAADINKOODA (Qaybtii 43aad)By Maxamed Xoosh

Mudaaharaadkii Ka Dhacay Faransiiska Ayuu Wariye Weydiiyay Mid Ka Mid
Dhalinyarta Aadka U Cadhaysanaa Maxaad U Muharaadaysaa ?
Wuxuu Ku Jawaabay Anigu Mushahar Waxaan U Qaataa € 1500 !
Waxaan Survival Ahaa Laba Sano Oo Aanan  Dalxiis Dibeda Ugu Dhoofin !!!
Gaadhiga Aan Wataa Waa Megane  “Renault” Mudo 4 Sano Ah Maan Badalin !
Dharka Waxaan Ka Gataa KIABI “Dhar Jaban” Waxaan Doonayaa SIDOODA Oo
Kale Inaa Iibsado GUCCI !
Waraysigan Waxa soo Xigtay Warbaahinta Daneysa Arimaha Siyaasadda Ee
Dunida Soo Koraysa
Wiilka Faransiska U Dhashay Waa Muwaadin Fahamsan DANTIISA Iyo Waxa Ku
Waajibay XUKUUMADA Talada Haysa Waa Dhaqan Lagu Koriyay Waxa Isku Reer
Ah Inta Isku Dan Ah
Qaab Fakarka Reer Galbeedku Si Usoo Gaadho Halka Wiilkan Taagan Yahay
Waxay Qaadatay Dhawr Boqol Oo Sano Wax Kusoo Degay Ma Aha
Waxaa Iigu Yaab Badnaa Mudaaharaadka Faransiiska Waxa Ku Jiray
Indheergarad, Ganacsato, Qoraayo, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Inta Laga
Cabanayay Oo Dhan…. Iyagoo U Arkaayay In Ay Tahay XAQ In Muwaadinka
Hoos Loo Eegaa Waa Garasho Soo Socotay Sanado Badan
Jamhuuriyada Somaliland Inta Ladan Iyo Inta Madaxda Sheeganaysa Ayaa
Wadanka Xada Weliba Aan Xishoonayn !!!
Waxa Ka Daran Muwaadinka Dulman Ee Biyihii Uu Cabi Lahaa Aan Helin
Ayaa U Mudaaharaadaaya Ninkii Mustaqbalkiisa Ku Dheelay !
Dalalku Waxay Xoroobaan Marka Maan-furnaan La Helo Ee Garaadku Kobco
Ee Cidii Ku Haboon Meesha Haboon La Geeyo, Yaan La Is Canaanan Inta La
Garbinaayo Lana Xaasidayo Ka Wax Garanaya Siyaasiga Jaahilka Ahi Wuu
Joogayaa Shacabkuna Waa Kula Shuraako Musuqa.

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker