Gebo-gabadii Guusha Hiil la Eeday Baa Jiray .

Nolosha reer miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo unkatay nolosha aadamuhu, Nin reer Caydaroosh ahaan jiray oo ku soo koray Gobolka Ogaadeeniya, ayaa u soo safray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Mar uu ka baayacayey cago-gashi meherad ka mid ahayd meheradda lagu iibiyo cago-gashiga ee ku yaala suuqa waaheen, ayaa ugu jawaabay”, Ma caagan.

Ninkii reer miyiga ahaa oo farta ku tilmaamaya yidhi”, Ma’yee cago-gashigaas iga gad, .
Wiilkii baa cago-gashigii uu farta ku tilmaamayey kor u qaaday oo yidhi ”, Ma’kuwan baad sheegaysaa, Ninkii reer miyiga ahaa, baa yidhi”, Haa.

Markii uu iibsaday Cago-gashigaas ee uu xidhay, kuwii u xidhnaana uu halkii ku dhilliyey, ka dibna, uu u soo dhamaaday safarkii uu ku joogay magaalada, isagoo hoggaaminaya awrkii uu ku soo safray oo ku raran raashin, ayuu u socdaalay dhankaa iyo reerkiisii, wakhti ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo baxaysay, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro, oo ay dhacaysay dabaylo goos-goos ah oo xanbaarasanaa neecow qabow oo ay naftaadu ku raaxaysanayso, indhahuna aanu ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaala hawdka magaalada Hargeysa.

Ninkii reer miyiga ahaa markii uu maraayey meel u dhaweyd soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Dalka Itoobiya, ayey ka go’day kab ka mid ahayd cago-gashigii uu xidhnaa ee uu ka soo iibsaday Magaalada, waxaanu sudhay oo uu dhex-galiyey kabtii ka go’day ushii garabka u saarneyd, isagoo, kabna xidha, midna tunka ku sita, ayey mar-labaad, ka go’day kabtii kaliyaatee uu xidhnaa, kabtii labaadna waxa uu sii dul sudhay ushii garabka uu ku sitay.

Ninkii reer miyiga ahaa oo caggaagan ayaa soo gaadhay reerkiisii uu safarka dheer ugu maqnaa dhawrka caanamaal, markii ay arkeen qoyskiisii odaygii reerka oo caggaan, waxay ku noqtay arin lama filaan ah, ka dibna, waxay affadiisii weydiisay, waxa caggo tiray.

Waxaanu ugu jawaabay ninkii reer miyiga ahaa ” , Markii aan magaalada aaday, waxaan ka soo iibsaday cago-gashi aan safarka ku soo galay, intii aan safarka ku soo jiray, ayey labadii kaboodba iga soo go’een, wallow wiilkii kabaha iga gadayey uu ii sheegay inay yihiin caag, oo aanu khaladkaasi isagu lahayn, laakiinse, annigaa khaldanaa oo aan weydiinin, Kabbuhu waxay ka caagan yihiin?
.
Run ahaantii, waxaanu uga go’leeyahay, muu khaldaneyn hoggaamiyihii hore ee ku tuhunsanaa in uu leeyahay khibrada xirfadda qarsoon ee hoggaamiyenimo, isaga laftigiisuna wax-baa seegay, laakiinse, waxa khaladkaasi lahaa taageerayaashiisii, taasoo sabab u ahayd, khaladkaasi farsamo ee dhacay, laba arimood oo kala ahaa.

Mid ku timid, dhinaca kala xulashada xirfadda tayada hoggaamineed ee ay lahaayeen musharaxiintii tartamaysay iyo in aanay taageerayaashiisu marnaba ka aanay isweydiinin markii la baacsanayey, ka rida mooyaane, Ninkan maxaa lagu arkay ee lagu baacsanayaa?

Waayo, waxa jira mid ka mid ah hiilka, oo la yidhaahdo, Hiil la eeday, kaasoo ka turjumayey weedhii hal-ku dhaga u ahayd sagootigii gebo-gabadii guusha, waana, mid ayaan darro ku ah, hoggaamiyaha ay ka siibtaan taageerayaasii uu ku gaadhay guushan uu ku naaloonayo.

Gebo-gabadii qormadaydan waxaan hoggol tusaale u soo qaadan lahaa, hal-ku dheg odhanaya, Inta aad ka tiiraanyoon lahaydeen samo-falkiinii dadkii idiinka abaalka daray, marka horeba fillo abaal ka darka.

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker