Ethiopia Oo Tidhi Ka baxa Addis Ababa Oo Dire Dawa Qabta ……

Arrinku ma fiicna kolonelka kaligii taliyaha ah tamashluu bari ku tagay isagood moodeysid jabhad hubaysan oo weraar qadaysa waxooga lacaga ayuu siiyey qolo sheegatay caaqilo inkastoo beelaha qaar salugeen wixii ninka wayni kusoo fiiqay sida beelweynta Maxamed  Sheekh Isaxaaq aka Cimraan waxa xusid mudan inaanu koloneelku aanu waxba u dhiibin ciidamada qaranka ee Sool jooga tasoo uu dhaamay Prof. Samatar oo konton riyood geeyey caato ba ha iska ahadaane …… Marka waxa la sheegay in ciidamadii la qadiyey ay waxoogaa techniko ah u iib geyeen Puntland horta gaadhi qori dhashiika ahi saaran yahay kamaraduhu qabte .

Warar hubaal ah lakiin wali la xaqiijinayo waxay sheegayaan in Imaraatku ay gabi ahaan ba iskaga bixi doonto Somaliland maca dekad iyo DP World maca madaar tasoo uu hoos ahaan u shaaciyey wasiirka arrimaha dibada ee U.A.E Mr.  Cabdalla Bin Sayid Al-Nahayaani kadib markii golaha amaanka ee United nations-ku dood adag kula yeeshay magaalada new York ee cariga Maraykanka …….

Jara’idka caalamka siiba jariidada indhaha dheer ee looga qateenka ah African intelligence ayaa waxay qortay maqaal cinwaan looga dhigay “ Is Hargeisa set to succumb to its neighbours’ influence?”

Hargeysa ma u liici doonta xaga dumida farogelinta jaarku ku hayo awgeed ………. Maxay liicdaa ooy duntaa sawta meeshiiba Subeer Awalland† noqotay

Maqaalka turjumi mayno lakiin taxliil ku haboon baynu sineynaa oo waa qaada dhigeynaa.

“According to our information, the Ethiopian authorities recently requested that Somaliland’s liaison office in Ethiopia be moved from Addis Ababa to Dire Dawa. This new slap in the face for the Somaliland president Musa Bihi Abdi comes in the wake of Ethiopia’s decision to intervene militarily in Somaliland by dispatching the Somali Liyu Police in an attempt to bring an end to the conflict that is tearing the Darod/Dolbahante clan apart (ION 1485). “

Xogta aanu heleynaa waxay tilmaameysaa , In dawalada Ethiopia ka codsatay Somaliland in xafiiskii xidhiika oo  Danyarta  Somaliland lagu odhan jiray waa safaarad  ee ay Somaliland ku lahayd Addis Ababa in laga raro oo loo raro Dire Dawa ……..Tariikhdu dhibka ay leedahay waxa weeye wa isa soo celcelisaa  “History repeats itself, and that’s one of the things that’s wrong with history ” sanadku markuu  ahaa1988 oo iminka laga joogo 30 sano sodon Jaalle Gashaanle Sare  Mengistu Haile Mariam wuxuu u yeedhay Madaxweyne AL-Xaaji Axmed Silaanyo oo horjooge ka ahaa SNM iyo hawlwadeenadii SNM wuxuu u sheegay inuu Jaalle Sareeye Gaas Maxamed Siyaad ( AHUN ) la heshiiyey ayna SNM ka baxdo Addis Ababa  oo ay Dire Dawa qabtaan warkaa waxa madaxiisu diiday AL-Shahiid AL-Xay Jaalle Gashaanle Sare  Axmed Mire Maxamed Burco iyo togdheer ayuu kusoo maqiiqay Jaalle Gashaanle Sare  Ibraahim Dhagaweyne waxba kama dambeyn galbeed buu kusoo maqiiqay The Rest is history ……… Iminka maanta markay tiiyo kali timi asse isku duubnaan la doonayey Kolonelkii Xarshin fadhiyi jiray iyo kurayda Qurbajoogta ah ee Subeer Awal ee ku xeeran waxay isku sheegeen sidaynu kaga baxaynaa waa inakoo  dhisna Dawlad habar Awal ah Habar Jeclo na Jeegaanland baynu ku khuukhineynaa iyo la’aantayo Hargeysa joogi maysaan waar Hargeysa ma makkaa saw inaka Burco haysana. …… Waa ragu kala Yool fogayeenaa kuwan iyo kuwii hore.

Arrinkan la idinkuma arrki karo Addis Ababa waa dhirbaaxadii labaad ee Duqur Ambasa Libaaxa madow ee Afrika  ku dhufto Kolonelka itaalka daran ee xaafad Hargeysa ah  ka arrimiya madama Ethiopia Duqur ambasa ka tahay geeska ..

Dhirbaaxadii ka horeysay waxay ahayd in Ethiopia Ciidan ahaan si toos ah usoo farogelisay Somaliland iyadoo ciidamo Liyu Police ah   usoo dirtay Somaliland si ay u damiso shaqaaqadii Beelweynta Dhulbahante dhex martay .

“ Hargeisa is seen by the Ethiopian prime minister Abiy Ahmed Ali as acting as a destabilising influence on the central government in Mogadishu, especially since Musa Bihi Abdi began reaching out to the jihadist president of Jubaland Ahmed Mohamed Islam (aka Madobe), Puntland’s president Abdiweli Mohamed Ali Gaas, and the Hawiye leader and ex-president Hassan Sheikh Mohamoud with a view to bringing pressure to bear on Farmajo”.

 Hargeysa ” in kastoon codka sare loo qaadayn ” waxa loo arkaa Raysal wasaaraha Ethiopia Jaalle Abiy Axmed inuu yahay quwad kala furfuraya oo gilgilaya intii kasoo hadhay Somaliland iyadoo Somaliland u arkeysa dawlada federaalka ah ee Xamar iyo Raysal wasaare Abiy Axmed inay isku si u shaqaynayaan siiba markii uu Jaalle Muuse Biixi Cabdi xidhiidh hoosaad aan la shaacin la sameeyey Nin xag jir ah jihadi ah waa siday hadalka u dhigeene Jaalle Axmed Maxamed Islam aka Axmed Madobe isagoo Musaha Hargeysa sida kalena la xidhiidhay Jaalle CabdiWeli Gaas iyo Jaalle Madaxweyne Xasan Garguurte si ay  cadaadis u saraan Jaalle Farmaajo….

“For his part, Farmajo has the support of the new president of the Somali region of Ethiopia Mustafa Omer, with whom he has embarked on a mediation process involving the clan leaders in Jijiga in Ethiopia. The Somaliland president, who underestimated the extent of the conflict among the Dolbahante, is now relying on the support of the speaker of parliament Bashe Mohamed Farah, who is himself from this clan, given that his interior minister Mohamed Kahin Ahmed(Issaq/Haber Jelo) is reluctant to get involved in this sensitive issue. In the Somalian and Somaliland corridors of power, there is talk of a possible meeting between Farmajo and Musa Bihi Abdi, but this has yet to be confirmed”.

Jaalle farmaajo isna wuxuu dhinaca saaray Jaalle Mustafe Cagjar Kililka Shanaad oo uu ka codsaday inay wada bilabaan dhexdhexaadinta Beelaha Dhulbahante Wiilka Farmaajo ihi reer abtigii waaka ducaysanayaa kaayagu inuu Ahlu Naar yahay ayaanu u maalayn , Yeelkeede  Jaalle Farmaajo  wuxuu ka codsaday Jaalle Mustafe Cagjar in gogosha nabada loo raro JigJiga …… Jaalle Muuse Biixi Cabdi oo quudhsaday dhibaatada dhex taalay beelaha Dhulbahante ayaa iminka doonaya inuu nuuxnuuxiyo  Gudoomiye Baashe Maxamed Cadde markii uu Macaali wasiir Maxamed Kaahin dib u gurasho xeeldhigaleed sameeyey tasooy cid waliba ogtahay in beelaha dhulbahante waxaan waxoogaa Maxamuud garaad / Maxamed garaad waxaan ahayn inay wasiirka kalsoonida kala noqdeen…………..  Waxaa u khurafaad shubayo .

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker