YAY TAHAY IN AY LA HADLAAN DAWLAD-GOBOLEEDDADA ITOOBIYA?

AHUN Madaxweyne Maxamed x.Ibraahim Cigaal, marka laga yimaaddo, hawlihii dawladaynta ee badnaa, wuxuu sameeyay nidaam iyo meeqaan(Protocol) lagula xadhiidho caalamka guud ahaan, iyo waddamada jaarka ah, gaar ahaan. Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahinna, arrintii sidii ay ahayd iyo si ka wanaagsan ayuu u meel-mariyay.
Tusaale ahaan, gobollada xuduudaha leh, ee Somalida-Itoobiya iyo Somaliland, waxaa ka wada xidhiidhi jiray, guddoomiyaasha gobolladaa, iyo saraakiisha ammaanka ee isla gobolladaas. Nidaamkaa heer-gobol wixii uu dhammayn waayo, isla markiiba dawladda Somaliland waxay u gudbin jirtay, dawladda federalka ee Itoobiya. Sidaas ayaa ballan lagu geli jiray, inta badanna Jijiga ama Harar ayaa la isugu iman jiray, halkaas marka arrimaha lagu soo dhodhoweeyo, ayaa gobolladii xuduudka lahaa ee ay khusaysayna la tegi jiray, oo halkaas lagu soo af-meeri jiray arrinta.
Waxaan xasuustaa, in sannadkii 1999 ciidammada millateriga federalka Itoobiya aad ugu soo hanjabeen, magaalada Yiroowe, oo Burco u qaxday, iyo magaalada Boorama, oo ay yidhaahdeen, toos ayaannu u weeraraynaa labadaa magaaloba!. Maamulladii gobollada xuduud-wadaagga ahaa, ee labada dal arrintaa waa isku af-dhaafeen. waxaana muuqday ifa-faale colaadeed!
AHUN madaxweyne, MICigaal wuxuu abaabulay wefti siyaasiyiin iyo khubaro millateri ah, waftigaa wuxuu madax uga dhigay AHUN Col. Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen-dheere). Intii aanu ku biirin SNM, oo uu wax weyn ku kordhiyay, Col. Xuseen Axmed Guuleed (xuseen-dheere) wuxuu ahaa Taliye-gaas ciidammadii ex-Xooggii Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, oo ku wajahnaa jiidaha ugu adag ee ciidamada Itoobiya, gobolka Sidaamo. Aqoonttisa sare, geesinnimadiisa, iyo dagaal-gelinttisii heerka sare ahayd aawadeed ayuu MICigaal ku doortay Col. Xuseen-dheere, oo ay sir-doonka Itoobiyaankuna ka dhereg-sanaayeen, xogtiisa. Waftigaasi, wuxuu Herer iyo Adisaba ku maqnaa muddo toddobaad ka badan. Markii ay soo noqdeen, oo ay arrintiina heshiis iyo is-af-garad ku dhammeeyeen, AHUN Col. Xuseen-dheere, wuxuu rag dhawr iyo toban ahaa, oo aan ka mid ahaa shir ugu qabtay gurigii uu ka degganaa Burco, xaafadda shacabka, xafiiska hadda ee SOYDAVO. Wixii ay ku wada hadleen oo dhan, iyo in markii dambe uu ku yidhi Col. Xuseen-dheere, qoladii Itoobiyaanka ee jananada ahayd “haddii aad soo weerartaan Yiroowe iyo Boorame, marka hore in aad maato laynaysaan. Ugu badnaan, bil ka dibna hal nin oo ciidan ah, oo Itoobiyaan ahi aanu ka sokayn doonin Herer” ayuu odaygu noo sheegay.
Arrinta xiisaha lahayd, ee AHUN Col. Xuseen-dheere noo sheegay waxay ahayd “Waxay na tuseen laba sawir oo dhamaystiran, oo mid walba magaciisu ku qoran yahay. Sheekh Cali Warsame, iyo Sheekh Dayib, oo aanan anigu garanayn, oo ay ku doodayaan in ay nagaga soo abaabulaan dagaal iyo argagixiso, labadaa magaalo”. ayuu yidhi Col-Xuseen dheere ” Waa macallimiin-quraan baan ku idhi. Mana jiraan wax colaad ah oo ay idiinku maqan yihiin” ayaan ku idhi ayuu yidhi. Janankii madaxda u ahaa weftiga Itoobiyaanka, oo nin dhallin-yaro ah, ayaa igu yidhi, “Ma noo damaanad-qaadaysaa in aanay nimankaasi dagaal iyo colaad nagu soo abaabulin” Col. Xuseen dheere, wuxuu yidhi da’yaraantiisa waan arkayaye, inuu khibrad zero ka yahay ayaan gartay “Haa, anaa idiin damaanad-qaadaya, ayaan ku idhi”, ayuu noo sheegay AHUN Col. Xuseen-dheere
Djiboutina, sidaas si la mid ah, ayaa loola macaamili jiray. Nasiib darro, walaalaheenna Soomaaliyeed, oo Puntlan ugu sokayso, mar kaliya xidhiidh ku dhisan nidaam-dawli ahi inama dhex-marin. Xidhiidhka bulshadu isagoo gobannimo leh, ayuu weligiiba jiray, waxaana aan rajaynayaa inuu sidaa ahaan doono, weligii.
Way ila durugtaye, haddii qarannimada Somaliland run laga sheegayo, af-hayeennada Wazaaradaha, gaar ahaan arrimaha dibadda ayay tahay in ay la hadlaan, wixii ka hooseeya waddan inala hadlay. Meeqaamka aad ku hadasho ayuun baad ku qiimaysan tahay. Dawladda cusub, oo Somaliland, Protocol-ka in ay eber ka yihiinna waxaa hore u sheegay Muuse Biixi Cabdi, berigii uu murashaxa ahaa, oo weliba raaciyay Ina Kaahinna, wa iga sii badawsan yahay. Ceeb ma aha, oo nidaamka dawladnimada waa la bartaaye, hawsha af-hayeennada Wazaaradaha yaan madaxweynaha ama Waziir isku waabin!!!.
Waad mahadsan tihiin.
——-
MAO

_____________________

Mohamoud Ahmed Oday -MBA
Freelance Consultant

+252 2 (0)634438151
Facebook: Mohamoud A. Oday
Skype: Mohamoud.Oday

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker