Mudo kordhin aan Dastuurka Waafaqsaneyn macnaheedu waa khiyaamo shacab oo noqonaysa” dhabarka ii xoq aan kuu xoqee” . qalinkii A/rahman Fidhinle UK

1- Komishanka  Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda:
A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan
B) Dar-dar gelintii iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku  u soo gaabato
C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo
D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan
E)  Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo  way arkaayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee ay ku dhawaaqeen in doorashadu dib u dhaceyso. waxay aheyd in ay 6 bilood ka hor sii iclaamiyaan liiska codbixiyayaasha iyo jidwalka habsami u socodka hawlaha Diiwaan gelinta codbixiyayaasha.
2-      Golaha Baarlamaanku  waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose :
A)     in ay diyaariyaan shuruucdii Saami-qeybsiga Kuraasta  Golaha Wakiilada  Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa Doorashadii hore hortaalay..
B)    Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan.
C)  Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay Kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama mudo xileedkoodii uu dhamaaday.
3-     Madaxtooyadu  waxay ka gaabisay  qodobadan hoose :
A)    in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudada dheer.
B)   Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay qaybtooda soo dhameystiri waayeen.
C)  Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah.
D)  Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii  dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto.
E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka  Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd
    Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen .
Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah  loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan  mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay.
Shuruucda Dastuurka ee sida Badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka,  qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka.  Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka.
Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo  Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada  xaalkoodii  uu iska  noqday “dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay  iyo musharaxiintii  iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer.  ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha  ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday  ee masuulka  ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.?   Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii  doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey.
Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku  6 bilood ka hor ay is cadeeyaan oo ay sii sheegaan in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah  in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsatay halka inaga ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood.  Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay ansixin waayeen golaha baarlamaanku waa in uu madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo go’aan adag ka qaataa si doorashadu waqti dhow ugu qabsoonto.
Waxaan ku soo garoocayaa qormadan :  Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu geygeyso ” !!

Allaa Mahada Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker