Madaxweyne umadaada ku dhaqan gobolada Somaliland waxay ku leeyihin qur’aanka kor u akhri

Sidaynu ogsoonahay madaxweyne muuse bixi wuxuu talada dalka gacanta ku hayaa muddo sanad ah, sanadkaa uu talada dalka gacanta ku hayay wuxuu magacaabay mas’uuliyin aad u tira badan,

mas’uuliyintaas marka si togan loo eego waxay jaaniska ku heleen deganaanshaha caasimada iyo nawaaxigeeda.

Madaxweyne muuse biixi waqtigii uu olalaha ku jiray waxaa hareerahiisa ku taxnaa siyaasiyin dhalin yara ah, kuwasoo gobolada Somaliland ka dhex muuqday.

Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay madaxweyne muuse intii uu wax magacaabayay indhihiisa waxay qabanayeen inta subixii iyo fiidka salaanta la gaadho, ama kuwa intuu caraabada yahay wadada ku sii salaanta.

Ka madaxweyne mustaqbal waxaan leeyahay madaxweyne muuse biixi. Madaxweyne gobolada Somaliland waxaa ku dhaqan siyaasiyin dhalin yara ah, kuwasoo si wayn uga dhex muuqday olalahaagii doorashada,

Siyaasiyintaas waxay difaaca hore kaga jireen gobolada, waqtigaasna waxay jaanis ku heleen iyagoo ku dhaqan goboladooda in loo baahdo, balse madaxweyne markii ay noqotay in la helo cid bulshada u shaqaysa, kuwa kugu xeeran waxay xooga saareen inay ku kenaan hablaha iyo dhalinyarada ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda.

Ka madaxweyne mustaqbal waxaan jeclaystay inaan madaxweyne muuse u sheego inay jireen siyaasiyin dhalin yara, kuwasoo ku dhaqan gobolada qaar, gobolada ay ku sugan yihina jaaniskoodii uusan oolin, balse madaxweyne ahaan lagaaga baahan yahay marka aad magacaabayso xilalka inaad soo eegto ragii kula soo shaqeeyay, madaxtooyadana laga helo ragii ku xasuusin lahaa.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan madaxweyne dadka ku dhaqan gobolada Somaliland gaar ahaan gobolka togdheer waxay hal hays u leeyihin markay wax salugaan inay si sarbeeban wax ku dareen siyaan,

Maantana hal hays waxay leeyihin madaxweynihii aynu dooranayow qur’aanka kor u akhri.

 

Mohamed Osman

awaadan5@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker